advertisements

Warar deg-deg ah: Shirkii Khartuum oo burburay

Arbaco, November 01, 2006(HOL) - Warar deg-deg ah oo hadda naga soo gaaray  magaalada Khartuum ayaa sheegayaa in uu burburay Shirkii ay Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka ku yeelan lahaayeen magaalada Khartuum. Sababta burburka shirka ayaa loo aaneynayaa Maxkamadaha oo ku adkeystay y in Shir guddoonka shirka laga saaro Dowladda Kenya oo dhawaan lagu soo biiriyay iyo in ay  dalka Soomaaliya ka baxaan ciidamada Itoobiyaanka ah. Dowladda Federaalka ayaa ayagana dhankooda ku adkeystay in  haddii Kenya laga saaro shir guddoonka aysan  shirka fariisan doonin. 

Wararku waxay intaas ku darayaan in wafdiga  Maxaakiimta la filayo in berito ay dib ugu soo noqondoonaan magaalada Moqdishu halka wafdiga Dowladda Federalka ay ku soo jeedaan magaalada Baydhabo.

Beesha caalamka ayaa si weyn uga walwalsan in dagaal cusub oo ka bilaado Soomaaliya mar haddii lagu guuldareystay Shirkii waayahaanba rajada laga qabay in uu xaliyo khilaafka u dhaxeeya Midowga Maxaakiimta iyo Dowladda Federalka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia