advertisements

Wareysi HOL la yeelatay Walkiilka Xaafadda Altavista ee Magaalada Ottawa

 Af-SoomaaliRead in English
 
Wakiilka Xaafadda Altavista u fadhiya maamulka magaalada Ottawa Peter Hume ayaa waxaa laga soo doortay xaafad ay aad ugu badanyihiin Soomaalida ku nool magaalada Ottawa. Intii uu doorashada ku jiray ayuu jaaliyadda Soomaaliyeed u ballanqaaday in uu wax ka qabandoona dhibaatooyin la xiriira Shaqada (Jobs), Guryeeynta (Housing) iyo hurumarinta dhalinyarada (Youth).
 
Tafatiraha Hiiraan Online Ahmed Gure ayaa booqasho ugu tagay xafiiska wakiilka uu ku leeyahay xaruunta dhexe ee magaalada Ottawa wuxuuna ka warsaday wixii ka qabsoomay ballanqaadayadii uu galay iyo arrimo kale oo la xiriira jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Ottawa guud ahaan.
 
Hiiraan Oline: Waxaan kuugu habmbalyeyneynaa doorashada dib laguu soo doortay
Peter Hume: Waad ku mahadsantahay
 
Hiiraan Online: Mid ka mid ah qoomiyadaha ugu badan ee aaga aad matasho waa Soomaalida. Sidaad ogtahay baahida bulshada Soomaaliyeed ee arimaha shaqada, guryaha, shaqaaleynta dhallinyarada, iyo howlaha bulshada aad bay a u badantahay. Maxaad qorsheyneysaa inaad arimahan ka qabato afarta sano ee soo socota?
Peter Hume: Waxaan u baahanahay inaan u helno kaalmo joogto ah dhalinyarada iyo hooyooyinka, aabayaasha, iyo caruurtaba waxaana u baahanahay inaan kaalmadan ka helno bulshooyinka ku dhaqan aagan inagoo la shaqeyneyna kuwa kale. Waxaan kale oo u baahanahay inaan gaarno guulo sida dhanka shaqooyinka.
 
Hiiraan Online:


>Hadaan ka hadalno shaqaaleynta dhalinyarada, ma waxaa jira wax qorsho ah ee magaalada Ottawa ama xafiiskaaga uu wado oo arintaan wax lagaga qabanayo?
 Peter Hume: Waa su'aal fiican. Markii aan halkan ku korayay waxaa jiray fursado badan oo dhalinyarada haysteen waana abuuri karnaa fursadahaas oo kale in kastoo aysan ahayn howsha ugu sahlan.  Sida kaliya ee aan arintan ku gaari karno waa inagoo wada shaqeyna oo isu keena hay'adaha wax shaqaaleeya, aan qabano carwooyin shaqaalo, iyo waxyaabo lamid ah. Waxaa jira dhalinyaro badan oo shaqeyn kara taasina waa wax lagu farxo. Waxyaabahan waa inaan wada jir u qabanaa laga bilaabo hada ilaa afarta sano ee soo socota.
 
Hiiraan Online: Hadaan ka hadalno arimaha cayaaraha, ma jiraan wax qorsho ah ee ku aadan arimahan oo loogu talogalay dhalinyarada?
Peter Hume: Hay'ada u qaabilsan cayaaarah magaaladan Ottawa waxay dooneysaa inay ogaato sida ugu wanaagsan ee loogu hormarin karo cayaaraha. Dhaqdhaqaaq fiican ayaa jira oo lagu kaalmeyn karo dhalinyarada Soomaaliyeed.  Waa inaan hubinaa inaan abuurno barnaamijyo isku dhafan ee cayaaraha sida dabaasha, basebal, footbal, basketbal, iyo waxii lamid ah. Waxaan u baahaahay inaa is qabanqaabino oo aan wada shaqeyno si arimahan noogu fulaan. Aniga waxaan diyaar u ahay inaa waqti geliyo si arimahan loogu guuleysto.
 
Hiiraan Online: Waxaa jira baahi badan oo ku aadan dadka waa weyn ama waalidiinta  Soomaliyeed ee ku dhaqan aagan si ay u helaan meelo ay ku kulmaan oo isku dhaafsadaan fikradhooda waxii kaalmo ahna ay ku raadsadaan. Arintan kaalmo ma ka geysan kartaa?
Peter Hume: Dhabahaantii haa. Fursasado waan u sameyn karnaa dadka baahidan qaba waana daba galayaa sidii wax looga qaban lahaa.
 
Hiiraan Online: Sidaad ka warqabto Soomaalida ku dhaqan aagan waa kuwa ugu badan ee ijaarta ama kiraysta guryaha waxaana lagu qiyaasaa inay Soomalida ijaartaan ama kireeystaan ilaa 50% dhismooyinka ku yaala aagan. Hadana majiro hal qof oo ka shaqeeya Hay'ada Guryeynta ee Ottawa.  Majiraan wax xafiiskaaga ama kan dowlada hoose ee magaladu ay ka qaban karaan?
Peter Hume: Waan fahansanahay waxaad ula jeedo. Waan eegayaa arintan waan kula soo socodsiin doonaa mar ale markaan warbixin helo.
 
Hiiraan Online: Mahadsanid,
Peter Hume: Adigaa mudan

More News