10/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 21, 2012
Gaari Waxyaabaha Qaraxa laga soo buuxiyay oo ku qarxay Jidka Maka Al-Mukarama ee Muqdisho (SAWIRRO)

QARAX5.jpg
Arbaco, Maarso 21, 2012 (HOL) — Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa ayaa ku qaraxay jidka Maka Al-Mukarama, gaar ahaan agagaarka isgoyska Shaqlaalaha, iyadoo laba qof ay dhaawacyo fudud kasoo gaareen.

Baabuurkan oo la dhigay jidka dhiniciisa ayaa waxaa ka warhelay ciidamada DKMG ah, iyagoo joojiyay isku socodka gaadiidka iyo dadka ka hor intii uusan gaarigu si lama filaan ah u qarxin.

"Ciidamada booliiska ayaa joojiyay dadka iyo gaadiidka, waxayna noo sheegeen in gaari waxyaabaha qaraxa laga buuxiyay lasoo dhigay jidka," ayuu yiri dukaanle ku dhow halka uu qaraxu ka dhacay.

Sidoo kale, wuxuu dukaanluhu intaas ku daray in ciidamadu ay qabteen wiil yar oo gaariga watay, kaasoo sheegay inuu gaarigu miineysan yahay, uuna jiro gaari kale oo ku qarsoon hareeraha jidka Maka Al-Mukarama.

Qaar ka mid ah saraakiisha booliiska oo goobta soo gaaray ayaa sheegay inkastoo uu gaarigu qarxay uuna ku dhaawacmeen laba qof , balse aysan jirin dad kale oo waxyeello ay kasoo gaartay. Waxaana saraakiishu ay sheegeen inay dhowr qof u qabteen ayna baaritaano ku hayaan.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay inay mas'uul ka tahay weerarkaas, waxaana afhayeenkooda dhinaca howlgalada Sheekh C/casiis Abuu-Muscab uu sheegay inay la beegsadeen weerarkaas ciidamada amaanka DKMG ah ayna waxyeelo ugu geysteen.

QARAX.jpg
QARAX3.jpg
QARAX4.jpg

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya