advertisements

Toronto: Xaflad Lagu Taageerayo R/W cusub ee Soomaaliya

Toronto, Canada
Tuesday, November 09, 2010

Xaflad ballaaran oo si habsami ah loo soo agaasimay oo lagu taageerayo Wasiirka Kowaad ee Somaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo kulmisay dad aad u fara badan oo ka mid ah bulsho-weynta Somaliyeed ee deggen Toronto iyo nawaaxigeeda, ayaa xalay fiidkii lagu qabtay hoteelka Crowne Plaza ee ku yaalla magaalada Toronto. Xafladdan oo madashii lagu qabtay ay buux dhaafiyeen dadkii ka soo qayb-galay ayaa ahayd mid aan iyada oo kale muddo dheer lagu qaban Toronto.



Xafladdan lagu taageerayay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Somaliya, waxaa agaasinkeeda iyo qabanqaabadeeda iska kaashaday waxgarad sumcad weyn ku leh bulshada dhexdeeda sida Saacid Daahir Siciid, Ugaas Abdirashid Ugaas Ciise, Abdifatax Warsame Marayare, Sadiiq Maxamed Cali Xaashi, Cabdirisaaq Khaliif iyo Somali Canadian National Council (SCNC) oo ah urur ka shaqeeya midnimada, xiriirinta iyo isku-xirka bulshada Somaliyeed ee deggen Toronto oo isu-xilqaamay qabanqaabinta xafladaha lagu taageerayo madaxda iyo maamullada ka jira Somaliya, siiba Dawladda ku-meel-gaar ka ah, iyo arrimaha lagu horumarinyo danaha ummadda iyo qaranka Somaliyeed. Muddadii ay xafladu socotay waxaa si wanaagsan u daadihiyay hannaanka iyo habsami-u-socodka taxanaha qaybaha kulanka, Siciid Ducaale.

Qolka weyn ee shirarka ee hoteelka Crowne Plaza oo ahaa Madasha xafladda lagu qabtay ayaa ahaa mid si bilic-sami ah loogu qurxiyay calammada dalalaka Somaliya iyo Kanada iyo sawirrada Madaxweyne Sh. Sharif Sh. Axmed iyo Wasiirka Kowaad Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Waxaa ka qayb-galayaasha ka muuqatay qiiro waddaninimo, dareen midnimo iyo wadajir iyo sida ay ugu farxsan yihiin in Maxamed Cabdillahi Farmaajo loo magacaabay Wasiirka Kowaad ee Somaliya. Maxamed Cabdillahi Farmaajo oo aad looga yaqaano magaalada Toronto, ayaa ah masuul ay bulshada Somaliyeed ee ku dhaqan Toronto, ku kalsoon tahay inuu si hufan u gudan doono xilka loo egmaday.
Xafladda waxaa lagu furay aayadaha Quaraanka kariimka ah iyo heesata calanka Somaliyeed oo dhammaan ka qayb-galayaashu ay wada oogsadeen/istaageen markii ay fannaaniinta codka quruxsan ay heestaas taariikhiga ah wadar u jiibiyeen.

Waxaa madasha xafladda hadaloo wax-ku-ool ah oo isugu jiray taageero, dhiirri-gelin, talo-bixin iyo duco ka soo jeediyay madax-dhaqameedyo, hogaamiyeyaasha ururada bulshada ee Toronto, siyaasiin, dhallinyaro, iyo masuuliyiin xilal kala duwan ka soo qabtay dawladihii kala duwanaa ee soo maamulay Somaliya intii u dhexeysay 1960 iyo hadda. Waxgardaka iyo masullinyiinta xafladda ka hadalay, codkoodana ku muujiyay taageerada ay u hayaan Madaxweynaha dawladda ku-meel-gaarka ah Sh. Shariif Sh. Ahmed iyo Wasiirka Kowaad, Maxamed Cabdillahi Farmaajo,waxaa ka mid ahaa

1. Siciid Faarax (Xiriiriyaha Barnaamijka)
2. Sheekh Xirsi Sahal (Aayado Quraan)
3. Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi
4. Maxamed Cabdi Gacal Xaaji Bood
5. Korneel Maxamed Faarax Caliyow
6. Injineer Abduraxman Macalin Axmad
7. Xaawo Guuleed
8. Seynab Labadhagax
9. Axamed Cumar Xaashi
10. Cabdiraxman Shagaxle
11. Generaal Cabdiraxman Khaliif
12. Naasir Cabdi Baale
13. Axmad Siciid
14. Cabdinuur Sheekh Cabdi
15. Cabdifatax Adan Warsame (Marayare)
16. Iman Salax

Xafladda waxaa ka soo qaybgalay fannaaniin caan ah oo codkooda iyo heesahooda aad looga jecel yahay dhammaan dhulka Somalida iyo waddamada ay Somalidu ku nooshahay. Fannaaniinta heesaha waddaniga ah ku maaweeliyay xaflada waxaa ka mid ahaa Dalays, Fadumo Nakruma, Batuulo Gabale, iyo Kooshin.

Heesaha waddaniga ah ee fannaaniinta aadka loo jecel yahay ku heeseen waxay dhaqaajiyeen dareenka iyo qiirada ka-qaybgalayaasha xafladda, kuwaas oo ahaa kuwo u heellan inay arkaan dhulkooda hooyo oo nabad, horumar iyo dawlad taabbogal ahi ka hanaqaaday.

Xafladda lagu taageerayo Wasiirka Kowaad Maxamed Cabdillahi Farmaajo oo bilaabatay 7da fiidnimo ee maalinimadii Sabtida, 6da November 2010, ayaa la soo gabagabeeyay 1dii habeenimo.

Waxa diyaariyay: Adan Cabdi