Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow oo hadal u jeediyay dad isugu soo baxay Tukashada Saalaada Ciidda Magaalada Beledweyne (DAAWO SAWIRRADA)

Axad, September 20, 2009(HOL): Marka la eego guud ahaan Goballka Hiiraan sanadkan ma jiraan wax khilaaf ah, waxaana dhamaan degmooyinka uu Goballku ka kooban yahay maanta si isku mid ah looga weyneynay Musaabadda Ciidul-fidriga oo ah mid ku weyn dhamaan qalbiyada dadka Islaamka ah meel kasta oo ay joogaan.
Magaalada Beledweyne oo xarun ah Goballka Hiiraan dadka ku dhaqan waxa ay Saaladda Ciidda si wada jir ah ugu oogeen fagaaraha Xaruntii hore ee Militariga oo lagu magacaabo Lama-galaay, waxaana lagu arkayay gudaha xerada dad ka kooban qeybaha Bulshada oo dhamaatood u soo diyaar garoobay in ay ka qeyb-qaataan Tukashada Salaada.
Markii ay dhamaatay Salaadda ayaa waxaa fargaaraha khudbad dheer ka jeediyay Guddoomiyaha Maamulka Goballka Hiiraan Shiikh C/raxman Ibraahim Macow oo si weyn dadku ugu dhag taagayay hadalkiisa maadaama maalmihii ugu danbeeyay ay jireen warar ku saabsan in Guddoomiyuhu ku biiray garab ka mid ah kooxaha ku kacsan Dowladda Soomaaliya.
Shiikh C/raxmaan Macow oo qodbadiisu aheyd mid ka duwan kuwiisii hore ayaa waxaa uu siweyn ugu dheeraaday muhiimadda ay lee dahay in la qaato Shareecada Islaamka, waxaana uu sheegay in maanta sida uu hadalka u dhigay caalamka oo dhan isku soo kaashaday sidii dalka looga ilaalin lahaa in ay ka dhalato Dowlad si dhab ah u qaadata shareecada Islaamka.
Waxaana uu intaas ku daray in sidoo kale magacyo gaar ah loo bixinayo cid kasta oo isu taagta sidii loo koryeeli lahaa Kitaabka Alle, isaga oo gaar ahaan farta ku fiiqay Dowladdaha reer Gal-beedka iyo Mareykanka oo uu sheegay in ay isku soo kaashadeen dhibaateynta dadka Islaamka ah.
Guddoomiyaha Maaamulka Goballka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow waxaa uu marka kale ku celiyay mowqifkiisa ku aadan Dowladda Soomaaliya waxaana yiri "Ma'jirto Dowlad aynu aqoonsannahay ama xitaa la dhihi karo qeyb ka mid ah dalka ayay ka talisaa, sidaa daraadeed wixii waqtigan ka danbeeya waxaa noo ballan ah in aynu ku Xukuntanno Kitaabka Alle '' ayuu yiri Mocow oo dadkii dhageysanayay weydiiyay bal in ay arritaas diyaar u yihiin iyo in kale.
Hadalka Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow oo ahaa mid Siyaasadeysan ayaa waxaa siweyn looga dha-dhamiyay kala fogaashaha ku yimid isaga iyo Dowladda Soomaaliya iyo sida uu ugu sii dhawaanayo Urarada Mucaaradka ah ee ka jira Dalka gaar ahaan Xarakada Shabaabul Majaahidiin oo kulamo dhowr ah uu la qaatay Saraakiil ka tirsan.
Sikastaba ha ahaateen Magaalada Beledweyne maanta waa mid mashquul ah waxaana dhamaan jidadka Magaalada buux dhaafiyay Haween iyo Caruur muujinaya faraxaddooda maanta oo kale, gaar ahaan Caruurta oo ah kuwa ugu badan ee la arkayo iyagoo gacmaha ku sita qalab kala duwan oo sare u sii qaaday bilicda iyo muuqaalka guud ee Caruurta, (Kulu Caam Wa antum Bilkheyr).



C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com