Jimco, November 28, 2008(HOL): Axmed Maxamed Jawhari oo ah Murashaxa Madaxweyne-xigeenka Xisbul-Xaakimka UDUB ee rasmi ahaan shaaciyay inuu u taagan yahay Jagadan, ayaa maanta ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Hargeysa. Waxaanu ka warbixiyay ujeedada socdaalkiisa.Axmed Maxamed Jawhari oo ka yimi dalka Ingiriiska oo muddoonkii u dambeeyay uu ku sugnaa, isla markaana Saxaafadda kula hadlay Qolka nasashada ee Garoonka Diyaaradaha Hargeysa ayaa sheegay in ujeedada Socdaalkiisu ay tahay sidii uu u sii amba-qaadi lahaa ololaha Musharaxnimada Jagada Madaxweyne-xigeennimo ee Xisbiga UDUB, Kaas oo uu hore u shaaciyay in uu u taagan yahay. Waxaanu sheegay in uu ku rejo wayn yahay in uu guul ka gaadho tartankiisan.
Mr. Jawhari oo ay Madaarka ku soo dhaweeyeen Masuuliyiin badan oo Xisbiga UDUB ka tirsan, isla markaana uu ka mid yahay Xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB, ayaa mar Saxaafaddu waydiisay Mr. Jawhari aragtidiisa ku wajahan hadal Xoghayaha guud ee UDUB Maxamed Ismaaciil Bullaale uu ku sheegay in Musharaxnimadiisu aanay dhammaystirnayn, isla maraana aanu dalabka rasmi ah ee is-sharaxaaddiisa oo dhammaystiran u gudbin Hoggaanka UDUB, waxa uu sheegay in aan la gaadhin waqtigii Hoggaanka UDUB uu u gudbin lahaa dalabkiisa, balse marka la gaadho uu u gudbin. Sidoo kale waxa la waydiiyay Axmed Maxamed Jawhari, sida uu arko maadaama aanu Shirweynihiisii qabsan Xisbiga uu ka sharaxan yahay ee UDUB. Hase ahaatee, wuxuu sheegay in sida ugu dhaqsaha badan uu Xisbigu u qabsan doono Shirweynihiisa.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online[email protected]Hargeisa, Somaliland