4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
DRS. XAAWO CABDI: SHAKHSIGA SANADKA 2007

Dr. Hawa Abdi

 

Salaad Idow Xasan (Xiis)
Hiiraan Online

 

Khamiis, Jan 10, 2008 (HOL): Drs. Xaawo Cabdi waa Dhaqtarad ku takhasustay daweynta Cudurrada Haweenka iyo Caruurta, waxay howlaha caafimaadka ku soo dhex jirtay muddo Rubac Qarni ah, iyadoo intaasna u gargaareysay dad badan oo Soomaaliyeed oo ku dhibaateysan gudaha dalka Soomaaliya, waxay ka howlgashaa Isbitaalka Xaawa Cabdi oo sida muuqata magaceeda wata.

 

Dr. Hawa Abdi Dhiblawe
Drs. Xaawa Cabdi Dhiblaawe asaasaha Cisbitaalka Xaawa Cabdi oo ku yaala duleedka magaalada Muqdisho
Drs. Xaawo Cabdi oo 60 sano jir ah, waxay ku dhalatay magaalada Muqdisho oo ay ku soo kortay, waxbarashadeedii aas-aasiga ahaydna ay ku qaadatay, kadibna waxay wax ku soo baratay dalka dibaddiisa, gaar ahaan Magaalada Kiev ee Dalka Ukraine oo berigaas ka tirsanaa Midowgii Sofiyeeti, waxayna markii ay waxbarashada soo dhameysatay ay dib ugu soo noqotay dalka Soomaaliya oo ay ilaa maanta ku sugan tahay.

 

Drs. Xaawo Cabdi markii ay dalka dib ugu soo laabatay waxay sanadkii 1983-kii ay furtay Isbitaalkeeda oo markii ugu horeysay ay ku bilowday labo qol oo markii hore wax loogu qaban jiray Haweenka Miyiga ku nool ee aan fursadda u heli karin in ay Isbitaallada Muqdisho gaaraan, si gaar ahna waxay u xustay in ay xiligaas Isbitaalka adeegyo caafimaad ka heli jireen Haweenka Foosha ay qabato xiliga habeenkii ee meelaha baadiyaha ah ku sugan.

 

Bahda Hiiraan Online waxay Drs. Xaawo Cabdi u aqoonsanaysaa shakhsiga sanadka 2007, iyadoo qiimeyntaasna lagu siiyay howsha samafalka ah ee ay Shacabka Soomaaliyeed u heyso, iyadoo weliba ay xusid mudan tahay in sanadkan ay howlihii caafimaad ku darsatay in ay deegaan u sameyso Dad 7000 oo qoys gaaraya, kuwaasi oo kula nool deegaanka ay degan tahay ee Xaawo Cabdi.

 

 

Halkaan ka dhageyso wareysi ay HOL la yeelatay Drs. Xaawa Cabdi Dhiblaawa ayada oo joogta Rugteeda Caafimaad ee Xaawa Cabdi -  Salad Idow Xasan (Xiis)

 

Isbitaalka Xaawo Cabdi oo markiisii hore lagu daweyn jiray Haweenka iyo Caruurta, haatan waxaa lagu daweeyaa bukaano kala duwan oo ay ku jiraan kuwo dhaawacyo qaba iyo kuwo qaba xanuuno kale oo aanu markii hore Isbitaalka qaban jirin.

 

Drs. Xaawo Cabdi oo muddo rubac qarni ah ku howlaneyd u gargaaridda dadkeeda ayaa haatan waxay sheegeysaa in ay sii kordhayaan dhibaatooyinka ay qabaan dadka Soomaaliyeed, waxayna si gaar ah walaac uga muujisay sida aan loogu damqaneynin Shacabka Soomaaliyeed ee mudada 20 sano ku dhow ku soo dhex jiray dhibaatooyinka, kuwaasi oo haatan ay ugu sii darsameen dagaallo aan dhamaad lahayn iyo qaraxyo ay waxyeello ka soo gaareyso.

 

Dr. Hawa & her daughters

 

Drs. Xaawo Cabdi oo mar sii horeysay  u warantay Wargeyska Los Angeles Times waxay sheegtay in ay diiwaangelisay 1,111 Haween ah, kuwaasi oo Uurkii ay lahaayeen uu ka soo halaabay kadib markii ay dhibaatooyin ka dhaceen dalka Soomaaliya, gaar ahaana dagaallada iyo qaraxyada, waxayna intaas ku dartay in ay Soomaaliya ka dhici jireen dagaallo balse aysan jiri jirin haween tiradooda intan la egtahay oo ilmo ay ka soo halaabeen, "Arrintani fajac ayay nagu abuurtay mana arki jirin kiisas noocan oo kale ah, waana is-leeyahay dhibaatooyinka dalka ka dhacaya ee naxdinta leh ayaa qeyb ka ah" ayayna Drs. Xaawo Cabdi.

 

Deegaanka ay ku nooshahay Drs. Xaawo Cabdi waxaa maalin walba gaara Dad ka barakacay dhibaatooyinka Muqdisho, waana la soo dhaweeyaa dadkaas iyadoo aan loo eegin heybta ay yihiin, waxayna deegaankeeda ku heystaan, Dawooyin lacag la'aan ah, Biyo Nadiif ah iyo Raashin, kuwaasi oo ay ugu deeqaan Hay'adaha samafalka, gaar ahaan Hay'adda MSF-Swiss oo haatan si gaar ah u tabarucda Dadka ku nool Deegaanka Xaawo Cabdi "Meeshan (Deegaanka Xaawo Cabdi) Soomaali ayaa laga yahay, qofkii qabiil iyo sheekadiisa la yimaada waa laga saarayaa"ayay tiri Drs. Xaawo Cabdi oo si weyn u cambaareysay dadka qabiilka ku dhaqma ee dadka ku kala saara, isal markaana qabiilka dhibaatooyinka ku geysta.

 

 

Isbitaalka Xaawo Cabdi oo ku yaala inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, waxaa daweyn u raadsada Dad badan oo bulshada qeybaheeda kala duwan ka kooban, haba u sii badnaadaanee Haweenka iyo Caruurta. Marka ay halkaas taagan tahay waxaa la is-weydiin karaa howshaas baaxadda leh Drs. Xaawo yaa ku gacan  siiya, waana su'aal dabcan qof kasta maskaxdiisa ku soo dhici karta.

 

Muddo afar sanadood ah waxaa gacan siineysay oo Isbitaalka kala shaqeysay Gabar ay dhashay oo lagu magacaabo Drs. Aamina Maxamed Cabdi, bishii aynu ka soo gudubnay ee November-na waxaa ku biirtay gabar kale oo ay dhashay oo iyadana la yiraahdo Drs. Deeqa Maxamed Cabdi, waxayna haatan seddexduba ka wada shaqeeyaan Isbitaalka Xaawo Cabdi.

 

Waxaan weydiiyay Drs. Xaawo sababta keentay in ay Gabdhaheeda raacaan raadkeeda ama saanteeda, isla markaana ay aqoonta Caafimaadka ka soo bartaan qeybtii ay iyada uga takhasustay ee daweynta Cudurrada Haweenka, waxayna iigu jawaabtay, "Gabdhaheyga waxay jecel yihiin in ay raadkeyga raacaan, u gargaarkii Umadda, Soomaalinimadii, Wadaniyaddii iyo Kalgaceylkii dadkooda ee aan ku soo barbaariyay tii bey la qabsadeen, mararka qaarkood marka aan iraahdo howshan aniga ayaa ku soo ba'ay ee ha gelina wey iga diidaan, waxayna go'aansadeen inay dadkooda u shaqeeyaan"ayay Drs.Xaawo Cabdi.

 

Drs. Xaawo Cabdi intii ay ku guda jirtay howshan samafalka ah waxay u soo joogtay dhacdooyin badan oo qaarkood ay aad u saameeyeen, waxaana dhacdooyinkaas ka mid ahaa in xiligii ay burburtay dowladdii hore ee Soomaaliya ee dagaallada dhaceen horaantii sagaashamaadkii loogu soo galay Isbitaalkeeda dad dhaawac ah oo jiifa, kuwaasi oo ah dhinac ka mid ah dhinacyadii dagaalamayay, "waxay igu yiraahdeen waan dileynaa, markaas ayaan ku iri marka aad aniga I dishaan ayaad dileysaan, kadibna sidaas ayay dadkaas ku badbaadeen"ayay tiri Drs. Xaawo Cabdi oo sheegtay in ay si weyn u jir-diideyso in Qof Soomaaliyeed qabiil dartiis loo waxyeeleeyo.

 

Dhacdo  kale oo ay Drs. Xaawo Cabdi u soo joogtay ayaa waxay ahayd in Qoyska Soomaaliyeed oo deganaa meel aan u dheereyn Deegaankeeda in ay dhalinyaro hubeysan u galeen xili habeen ah, kadibna ay isku xireen Aabihii Qoyska iyo labo Wiil oo uu dhalay, dabadeedna ay xabad isaga dhex bixiyeen, iyagoo kadibna Hooyadii qoyska ku watay xoolo ay Qoysku lahaayeen dabadeedna kufsaday, "Waqti kadib ayaa dhibaatadii naloo soo sheegay, markaas ayaan ku baxnay qoyskii dhibaatada loo geystay, waxaan u   tagtay Aabihii iyo labadiisii Wiil oo sidii ay isugu xirnaayeen isugu naf-baxay oo isku qalalay, waan kala fujinay, kadibna waan aasnay"ayay tiri Drs. Xaawo oo sheegtay in qoyskaas sababta loo waxyeeleeyay ay ahayd Qabiil uusan shaqo ku lahayn.

 

Drs. Xaawa Cabdi waxay nooga hadashay yaraanteedii iyo sida ay ku soo gaartay heerka ay maanta joogto, waxay noo sheegtay inay Hooyadeed geeriyootay iyadoo 12 sano jir ah, kadibna ay ku soo furatay howshii guriga bacdamaa ay reerkeeda u weydneyd, laakin muddo kadib ayaa Aabaheed oo ahaa Nin mutacalim ah wuxuu u rumeeyay riyadeeda oo ahayd in ay Dhaqtarad noqoto, weyna noqotay.

 

Waxay sheegtay Drs. Xaawo Cabdi in ay haatan ka sii quusaneyso xaaladda dalka Soomaaliya iyo weliba howsha samfalka ah ee ay bulshada u heysto, waxayna taasi sabab uga dhigtay in aysan dadka Soomaaliyeed u muuqan kuwo nabad doonaya, "mararka qaarkood marka aan is-iraahdo iska tag, waxaan is-weydiiyaa cidda aan uga tegayo qoysas badan oo halkan igula nool, haddii aan Green Card u heli lahaa dadkani dhamaantood waxaan geyn lahaa Mareykanka, sababtoo ah dhibaatadii ma dhamaaneyso Dadkii Soomaaliyeedna waa uu sii dabar-go'ayaa"ayay mar kale tiri Drs. Xaawo Cabdi.

 

Dhanka kalena, Drs. Xaawo Cabdi waxaa Dadka Soomaaliyeed ugu baaqday in ay ixtiraamaan Shaqaalaha Samafayaasha ah ee u soo gurmaday, isla markaana aysan kula kicin falal ka dhan ah bani'aadannimada, waxayna baaq gaar ah u jeedisay dadka ku dhaqan gobolka Bari, kuwaasi oo ay ka codsaday in ay dhowraan ammaanka dadka samafalayaasha ah ee dadkooda caawinaya, waxayna si gaar ah u codsatay in la sii daayo Samafalayaal dhawaan lagu af-duubtay Magaalada Boosaaso.

 

Ugu dambeyntiina, Drs. Xaawo Cabdi waxay Shacabka Soomaaliyeed meel ay joogaanba u jeedineysaa baaq ku saabsan in ay Nabaddii si wadajir ah u baadi-doonaan, isla markaana ay iska iloobaan kala qo-qobnaanta iyo qabiil ku dheganaanta, waxayna xustay in aysan jirin Cid Soomaaliya wax u qaban karta in ay iyada wax qabsato mooyee, "kuwa dalka gudahiisa jooga waxaan leeyahay nabadda u is-taaga, gacmahiina ayay nabadda ku jirtaa, ka baxa is-carqaladeynta iyo qabiil qabiilka, waxaan leeyahay taariikh xun kaka gelina dalkiina, Dadku wuu dhashaa, wuuna dhintaa, laakin taariikhda ma dhimato, Soomaalida dibadda jirto iyana waxaan leeyahay siyaasad ahaan noo garab istaaga, ka baxa qabiil qabiilka, waa in aad Soomaali noqotaan, haddii aad Soomaali noqotaan ayaad wax heli kartaan, marka waxaan rajeynayaa Allaah ayaa awood leh oo hal maalin nabad naga dhigi kara isaga ayaan baryeynaa, idinkana barya, qalbigiinana ha soo jeesto, Soomaaliyana jeclaada, waana mahadsan tihiin" ayay tiri Drs. Xaawo Cabdi oo howsha samafalka ah ee ay bulshada u heyso aawgeed aan sanadka 2007 u garanay in ay noqoto Shakhsiga Sanadka 2007 ee Hiiraan Online.

 

Aan dhammaanteyn u wada hambalyeyno Drs. Xawa Cabdi Dhiblaawe howshaa adag ee ay ku jirtana allaha u fududeeyo. Waxaad Drs. Xawa Cabdi Dhiblaawe kala  xiriiri kartaan e-mailka ah: [email protected] 

ama telefoonka ah 2521-5932222.

 

Salaad Idow Xasan (Xiis)
Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia

E-mail: [email protected]