1/17/2025
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Xaflad loogu dabaaldagayey xiritaankii cayaarahii Somali Week 2007

Hiiraan Online - September 11  -  Waxaa habeenimadii Axada ee taariikhdu ahayd September 09, 2007 lagu qabtay hotelka weyn ee Days Inn ee magaalada Toronto xaflay ay soo qaban qaabiyeen maamulka ururka sport-ga ee SOSCA (Somali Sport and Cultural Association) ee ka dhisan magaalada Toronto. Xafladaas oo looga hadlay xiritaankii cayaarahii Somali Week 2007 iyo waxyaabo badan oo ay ka mid ahaayen:

- Wax qabadkii Ururuka SOSCA

- Ciyaarihii Somali Week 2007

- Taariikhdii Marxuum Nuur Xuseen (Nuur Jeenyo)

- Abaalmarimo Lasiiyay 

         - Shaqsiyaad, 

         - Ururo Bulsho, 

         - Warbaahinta iyo 

         - Ganacsatadii taageerada u fidiyay ururka.

 

Xafladaan oo ay kasoo qeyb galeen dad aad u fara badan ayaa waxaa ka mid ahaa:

  • - Abdullahi Saleh "Macalin Tuke"

  • - Muse M. Nasir "Macalin Muuse"

  • - Ahmed M Abdikarim “Canter Jeenyo”

  • - Cabdulaahi Xasan Mahdi

  • - Mohamed Ali "Turubo"

  • - Dr. Taabid

  • - Siciid Farax Ducaale

  • - Hooyadii fanka Khadiija Cabdulaahi Dalays

  • - Faadumo Cali Jaamac Nakruuma

  • - Abdijabar Al Khaliiji

  • - Ibrahim H. Mohamud “Daandurey” iyo Marti sharaf fara badan oo aan halkaan lagu soo koobi karin.

Macalin Tuke, Canter Jeenyo iyo Turunbo oo wax yar ka hadlay taariikhdii marxuum Nuur Jeenyo... Waxaa kaloo Soomaaliyay toosaa ka qaaday meesha Hooyadii fanka Dalays & Fanaanada weyn ee Nakruuma

 

Furitaankii xaflada ayaa waxaa sida caadu aheyd aayado quraan ah ka akhriyay Hassan Gacal (ajar iyo Xasanaad Alaha Ka siiyee).

Furitaan ka dib waxaa bilowday barnaamijkii oo u dhacay sida tan:

 

- Ahmed Ga'al, (Joon):  Ayaa waxa uu ka hadlay wax qabadkii ururka SOSCA iyo howlihii Somali Week 2007, Ahmed oo si dheer uga hadlay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray ururka ayaa gabagabadii wuxuu mahad balaaran u soo jeediyay dhamaan Kooxihii iyo cayaartooydii kasoo qeyb gashay Somali Week 2007, maamulka Somali Week 2007, Ururada Bulshada, Ganacsatada, Shaqsiyaadkii waqtigooda u huray & warbaahinii (Websites & Radio) oo  taageerada u fidiyay intii ay socdeen cayaaraha Somali week 2007. 

 

- Ahmed Abdikariin Walaayo (Canter Jeenyo) gudoomiya Ururka SOSCA ee North America - oo isna sidoo kale mahad balaaran u jeediyay maamulka SOSCA iyo Maamulkii Somali Week 2007 sidii howl karnimada lahayd ee ay ugu xusul duubteen qaban qaabadii, horumarintii iyo gabagabeyntii ciyaarihahaas. Canter Jeenyo waxa uu ku booriyay dhamaan jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan North America iyo Aduunka intiisa kaleba in ururka SOSCA iyo barnaamijka Somali Week uu ufuran yahay dhamaan qof waliba oo daneyneysa horumarka Jaaliyada iyo sport-ga Soomaaliyeed.

 

 

- Cabdi Rabb - oo ah Qasnajiga guud ee ururka SOSCA - ayaa isna wuxuu ka hadlay dhaqaalihii sanadkaan soo galay ururka isagoo si caaqib leh u soo bandhigay xisaab xirka sanadka dadweynihii kasoo qeyb galay xaflada si weyna ay ugu riyaaqeen meelihii ay ku bixiyeen.  Abdi Rabb oo faahfaahin dheer ka bixiyay sida ay ku soo ururiyeen dhaqaalahaas ayaa sheegay in lacagaha intooda badan ay ku bexeen:

  • - Hotel la dejiyay Kooxihii ka yimid Yurub

  • - Baabuur loo kireeyay Kooxaha ka yimid Yurub

  • - Maqaayada laga cunto Quraac, Qado, Casho iyo Casiryo-ba leh oo furan 7-da Maalmood iyo Ilaa Habeenkii 

  • - Kiradii Garoonka Centennial Park iyo Soccer Center

  • - Qarash ku baxay Police-ka Toronto oo joogay garoomada

  • - Garsoorayaashii ciyaaraha

Macalin Tuke oo ay bahweynta ciyaaraha iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee Toronto aad u taqaano una tixgeliso ayaa ereyo waano, wacyi gelin iyo mahadcelinba u jeediyay  maamulka SOSCA inay howsha halkooda ka sii wadaan kuna dadaalaan sidii loo soo af jari lahaa khilaafka yar yar ee u dhexeeya maamulada Ciyaaraha Soomaalida ee Toronto.  Macalinka oo kahadlay sidii ay ku bilaawdeen Ciyaaraha kubada cagta ee jaaliyada Soomaaliyeed ee magaada Toronto ayaa sheegay inay laga mamaar maan tahay sidii laysugu soo dhaweyn lahaa dhinacyada maamulada kala duwan ee jaaliyada, sheegyna inaysan jirin khilaaf la taaban karo oo u dhexeeya maamulada kala duwan ee ka jira Toronto.

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay Cabdulaahi Xasan Mahdi oo isna ahaa ciyaar yahan, kuna jiri jiray maamulayaashii Somali Sport ee Toronto, wuxuu mahad balaaran u celiyay maamulka ururka sida howl karnimada leh ee ay isugu taageen howshan adag ee ay ku dhexjiraan, loona baahan yahay in laxaliyo khilaaf kasta oo jira.  Cabdulaahi oo sheegay in aan ka faa'ideysano fursadan qaaliga ah ee aan heysano, taasoo ah inaan joogo dhul nabad ah oo aanan loo baahneyn inaan abuurno xaasidnimo iyo iska hor'imaad aan faa'iido u keeneynin jaaliya iyo dhalaankeena soo koraya. 


Macalin Muuse oo isna ka hadlay horumarka sport-ga Soomaaliyeed inuu ku xiran yahay habda sida maamulka uu isugu xilqaamo in howshaan aysan ahayn mid iyaga kaliya ku eg ee ay tahay mid ay ka dhaxli doonaan jiilka soo socda. Macalinka oo sheegay in horumarka Ciyaaraha aysan ahayn oo keliya kubada cagta (SOCCER) ee ay jiraan ciyaaro kale. Waxaa jirta in ilmaha soo koraya aysan wada jeclaan kubada cagta in mid uu ku wanaagsan yahay ciyaaraha fudud sida ORODKA, qaar ay jecel yihiin kubada koleyga (Baasket) marka waa in lagu dadaalaa sidii loo wacyi gelin lahaa dhalaankeena yar yar ee soo koraya maamulayaasha ciyaarahana ay ku dadaalaan inay kusoo daraan ciyaaraha DHALINTEENA yar yar ee soo koraya. Macalin Muuse wuxuu hadalkiisii kusoo gaba gabeeyay - "WAARI MEYSIDE WAR HA KAA HARO".

Siciid Faarah Ducaale oo isna ka socda ururka Horn Afrik ayaa wuxuu faahfaahin ka bixiyay wax qabadka ururkiisa iyo sida uu ugu howlan yahay bar baarinta ubadka Soomaaliyeed dhanka ciyaaraha.  Ururka Horn Afrik waxa uu tababar dhanka ciyaaraha ah u sameeya dhalinyaro Soomaaliyeed ee ku dhaqan xafadaha magaalada Toronto, loona baahan yahay waalidka Soomaaliyeed in ay ciyaalkooda ku guubaabiyaan gacanna ka geystaan ku barbaarinta xirfahada kala duwan ee ciyaaraha taasuu sheegay inay qeyb ka qaadan karto korintaanka caruurtooda dhanka maskaxda, waxbarashada iyo bulshaba. Siciid waxa uu kaloo tusaale ahaan usoo qaadtay sida jaaliyaha kale ee ku dhaqan wadankaan ay caruurtooda ugu dadaalaan sidii ay qeyb uga qaadan lahaayeen firfircoonida dhalaankooda taasoo ka reebtay inay ciyaalkooda ku biiraan GANGS (ama ciyaalasuuqyada jidadka taagtaagan).

Kabid waxaa lagalay Bixintii abaal marinadii loogu tala galay shaqsiyaadkii, ururadadii iyo ganacsatii sida weyn uga qeyb qaadatay suurtana gelisay soo bandhigidda Ciyaarihii Somali Week 2007.

Waxaa mar kale ku soo laabtay Macalin Tuke, Canter Jeenyo iyo Turubo oo si kooban uga hadlay taariikhdii macalinka Ciyaaraha ALAHA u naxariistee Nuur Xuseen ( Nuur Jeenyo) oo dhawaan ku geeriyooda wadanka Ingriiska magaalada London.  Macalin Tuke oo sheegay in uu Nuur Jeenyo ahaa nin ciyaaraha ay aad ugu weyneed aadna u jeclaa sidii uu u horumarin lahaa ciyaartooyda. Waxa uu kuxusuustaa in ciyaartooyda uu ku dadaali jiray inaysan wax tabanin, "shineemada ayuu ka bixin jiray, maqaayada ayuu geyn jiray", ayuu yiri Macalin Tuke.  Naxariistii Janno ALAHA ka waraabiyo walaalkeey Marxuun Nuur Jeenyo.

Canter Jeeno oo ahaa Arady ka mid ah ardadii uu soo taba baray ayaa isna cadeeyay sheegayna in Nuur Jeenyo uu ahaa nin aan la iloobi karin. ALAHA U NAXARIISTO.

 

Turubo oo isna ahaa Ardaydii macalin Nuur Jeenyo ayaa isna sidoo kale sheegay inuu ahaa macalin qadarin iyo qiimo mudan.  ALAHA U NAXARIISTO.

 

Iyaduu uusan Fanka iyo fanaankuba ka maqneyn halkaa ayaa sida aan wada og nahayna FANKA iyo CIYAARUHU ay mataano yihiin ayaa halkaa waxaa guubaabo iyo hadalo yar yar ka soo jeediyay Hooyadii fanka Dalays iyo Fanaanada weyn ee Nakruuma. Waxayna ku dhiiri geliyeen maamulka iyo odayaasha sport-ga inay isku soo dhaweeyaan qeybaha ku kala duwan fikirka maamulka ciayaaraha oo ay u daneeyaan dhalaankeena.

 

 

Waxaa labadan fanaan lagu gudoon siiyay shahaado sharaf (LIFE TIME ACHIEVEMENT AWARD).

Waa tan sida look kala qaatay shahaadooyinkii.

Lifetime achievement Award

Media and Radio

Khadiija Cabdulaahi Dalays

Hiiraan Online

Faadumo Cali Jaamac Nakruuma

Qaranimo.com

Abdullahi Saleh “Macalin Tuke”

Muqdishucity.com

Muse M. Nasir "Macalin Muuse"

Boondheere.com

Ahmed M Abdikarim “Canter Jeenyo”

V.O.A    Somali

Abdullahi Hassan Mahdi

Ogaal Radio

Ibrahim H. Mohamud “Daandurey”

Goolis Radio

Idris Egal  (out of town)

Maanta Computers

Omar Dhiblawe “Ganjab” ( out of town)

 

 

Volunteers

Outstanding Performance

Sh. Mohamud

Ahmed Gaal

Ahmed Ali “Akush”

Muhyadin Diin

Hussien Awale “Tiger”

 Mohamed Ali “Trumbo”

Abdifitah Ahmed “Sate”

 

Mohamed Ibrahim