Qaraxyo xalay iyo saakay ka dhacay Magaalada Muqdisho
Sabti, June 30, 2007(HOL): Habeenkii xalay ahaa ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhaxay Qaraxyo lala beegsaday Saldhigyo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya.
Bambo nooca gacanta laga tuuro ah ayaa xalay lagu tuuray Saldhigga Galbeed ee Degmada Madiina, inkastoo dadka degan agagaarka saldhiggaas ay sheegeen in aysan Bambadaas wax khasaare ah u geysan Ciidamadii lala beegsaday.
Qaraxaasi kadib ayaa iyana waxaa dhowr Qarax lala beegsaday Ciidamo ku sugnaa Saldhigga Degmada Howl-Wadaag, sidoo kalena lama soo sheegin wax khasaare ah oo Qaraxyadaas ay geysteen.
Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Warshaddii Baastada ee Magaalada Muqdisho ayaa xalay Waxyaabo qarxa lagu tuuray, iyadoo kadibna Ciidamadii halkaas joogay ay rasaas u rideen dhinacii uu Qaraxa kaga yimid.
Saakay markii uu waaga baryay kadib ayaa Qarax weyn oo ka dhashay Miino dhulka lagu aasay waxaa uu ka dhacay Isgoyska Afarta Jardiino ee Degmada Yaaqshiid, waxaana halkaas ku dhaawacmay nin rayid ah oo wadada marayay.
Qaraxyadii xalay Muqdisho ka dhaxay ayaa waxay uga duwanaayeen Qaraxyadii horay Muqdisho uga dhici jiray, iyadoo aaney xalay Qaraxyadii dhacay xigin rasaas ay furi jireen Kooxaha Qaraxyada geysta.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Qaraxyadani ayaa waxay ku soo beegmeen iyadoo Magaalada Muqdishoo uu saaran yahay bandow habeenkii ah, kaasi todobaad jirsaday, inkastoo Bandowgani uu yahay mid Magaalada iska saaran oo aan wax ka bedelin amni darradii jirtay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia