Waxaa taariikhdu marka ahayd 8da bisha June, 2007 ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya allaha u naxariistee marxuum Adan Cabdulle Cusmaan oo loo yaqaanay Adan Cadde. Allaha u naxariistee Marxuum Aadan Cadde wuxuu ahaa madaxweynihii ugu horeeyey ee dalka Soomaaliya, wuxuuna taariikhda ku galay in uu ahaa madaxweynihii ugu horeeyey ee qaaradda Afrika ee xukunka ka dega ka dib markii doorasho looga guuleystay.
Madaxweyne Adan Cabdulle Cusmaan waxa uu ku dhashay magaalada Beled Weyne ee Gobolka Hiiraan sannadka markuu ahaa 1908. Madaxwayne Adan Cadde ayaa wuxuu ka mid ahaa xisbigii SYL ee u soo dagaalamay madaxbanaanida jamuuriyada Soomaliya.
Waxaa Adan Cabdulle Cusmaan loo doortay jagada madaxweyninimada July 1960 isaga oo hal cod kaga guuleystay Mudane Sheikh Cali Jumcaale oo isna ahaa mudane laga soo doorto magaalada Beled Weyne ee Gobolka Hiiraan. Madaxweyne Adan Cabdulle Cusmaan wuxuu jagadaa hayey (1960-1976).
Golihii barlamaanka ee xilagaas oo tiradooda ahayd 123 mudane ayaa 10 June, 1967 waxay Madaxwyne u doorteen Mudane Cabdirashiid Cali Sharmaarke ka dib markii uu wareeggii saddaxaad cudadka doorashada kaga adkaaday Madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan.
Madaxweyne Adan Cabdulle Cusmaan ayaa aad uga xumaa dhibaatada ku habsatay Soomaaliya iyo sharaf darada maanta haysta ummadda Soomaaliyeed, isaga oo jeclaa in noloshiisa uu goobjoog u ahaado Soomaaliya oo sharafteeda iyo midnimadeeda soo ceshata.
Waxaan ilaaheey uga baryeynaa in uu jannadii ka waraabiyo, umadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo - AAMIIN - AAMIIN -AAMIIN