Beelaha Hawiye iyo Daarood oo lagu eedeeyay in ay Beel dhan Bar ka dhigeen
Khamiis, July 26, 2007HOL):Iyadoo shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed uu maalintii 11aad maanta galay ayaa waxaa maanta la dhegeystay cabasho ay soo jeedisay beesha Shanaad, taasi oo ahayd in ay weli daba taagan tahay xaq-darro lagu sameeyay markii la fadhiyay Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee lagu qabtay Tuulada Carta ee Dalka Jabuuti.
Shiikh Mukhtaar Shiikh Cabdi Rooble oo u hadlay Beesha Shanaad ayaa sheegay in ay Beelaha Daarood iyo Hawiye ay xaq-darro ku sameeyeen markii loo fadhiyay Shirkii Carta, isagoo sheegay in xiligaas ay labadaas Beelood saxiixeen in ay Beesha Shanaad Nus tahay, sidaasna wax loogu qeybsaday Afar Beelood iyo Bar (4.5).
Shiikh Mukhtaar waxaa uu sheegay in ay labadaas Beelood Madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle ay u geeyeen qoraal ay saxiixeen, kaasi oo ay ku sheegayaan in Beesha shanaad nus ahaan loo aqoonsado, “Waxay yiraahdeen Xaq ma ahan ee waa Xal, haddii sida aan dooneyno la yeelo Dalka waa degayaa, Dagaalka waan joojineynaa, Nabad ayaana la helayaa”ayuu yiri Shiikh Mukhtaar Shiikh Cabdi Rooble.
Shiikh Mukhtaar waxaa uu la yaab ku tilmaamay in Afarta Beelood ee kale oo sida uu yiri heysta Jagooyinka Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamanka ay hadana raadiyaan wax ka maqan, “Kuwa banaanka ka soo qeylinaya ee shirka dib u heshiisiinta ku tilmaamaya mid aan jirin waa kuwa heysta hoggaanka Dalka, waana wax lala yaabo in ay raadiyaan wax ka maqan”ayuu yiri Shiikh Mukhtaar Shiikh Cabdi Rooble.
Shiikh Mukhtaar waxaa uu intaas ku daray in uu weli daba-taagan yahay tacaddigii xilihaas lagu sameeyay, wuxuuna carrabka ku dhuftay in aysan Bar ahayn oo ay Beel buuxda yihiin, isla markaana ay leyihiin xuquuq la mid ah tan ay leeyihiin Beelaha kale ee Soomaaliyeed.
Beesha Banaadiriga ayaa dhawaan waxay iska diday in ay ka qeybgasho Shir uu Guddiga Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed si gaar ah ula lahaa Beesha Shanaad, waxayna mas’uuliyiin u hadlay Beelaha Banaadiriga ay sheegeen in aysan Others ahayn oo ay yihiin Beel la yaqaano oo Banaadiri ah.
Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa ergooyinka ka qeybgalaya oo ka doodaya qodobka xalinta khilaafaadka ayaa waxay qaarkood soo gudbinayaan dhibaatooyin horay loogu geystay. Beesha Mareexaan oo ka mid ah Beelaha Daarood ee Shirka Dib u heshiisiinta ka qeybqaadanaya ayaa waxay sheegtay in Beelaha Soomaaliyeed ay isu baheysteen dhibaateynteeda.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo 15-kii bishan ka furmay Xaruntii Gaadiidka Booliska oo ku taala Degmada C/Casiis ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qeybgelaya ergooyin ka badan 1000 Ergay, kuwaasi oo ka kala socda Beelaha Soomaaliya, hayeeshee waxaa qaadacay oo shirkaas in ay ka qeybgalaan diiday Maxkamadihii Islaamka, Qaar ka mid ah Odayaasha Beelaha Hawiye iyo weliba Xubno la baxay Baarlamaanka Xorta ah oo ku sugan magaalada Asmara ee Dalka Eritrea.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia