9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 18, 2006
Qaadka iyo dagaalka ay kula jiraan Maxkamadaha Islaamka


Sabti, November 18, 2006HOL): Tan iyo markii ay Maxkamadaha Islaamka la wareegeen gacan ku heynta Magaalada Muqdisho waxay Tallaabadii ugu horeysay oo adag ka qaadeen Dadka reer Muqdisho, gaar ahaan ganacsatada ka bayaac-mushtarta Qaadka iyo macaamiishooda cunta, waxaana gebi ahaanba laga mamnuucay deegaanada ay Maxkamadaha ka taliyaan Qaadka.

 

Mamnuucidda ay Mas’uuliyiinta Maxkamadaha ku sameeyeen Qaadka ayaa waxay ka qeylisiisay ganacsato badan oo ku noolaa, kuwaasi oo haween u badan, isla markaana ku andacooday in ay Qaadka ilmo ku korsan jireen, nolol maalmeedkoodana ay ka heli jireen.

 

Labo jeer ayay ciidamada Maxkamadaha Islaamka Qaad ku gubeen Dugsiga Tababarka Xalane iyo Siinka Dheer ee Wadada Afgooye, iyadoo labadaas jeerna ay gubaneysay lacag kumaan kun oo doollar ah.

 

Amar ka soo baxay mas’uuliyiinta sare ee Maxkamadaha Islaamka ayaa qaadkaas lagu gubay, wuxuuna C/llaahi Macallin Cali (Abuu Cuteyba) oo Maxkamadaha Islaamka u qaabilsan dhinaca ammaanka Gobolka Banaadir uu sheegay in Qaadka uu xaaraam yahay, isla markaana ay go’aansadeen in ay joojiyaan, isagoo ganacsatadana ugu baaqay in aysan lacagtooda iska gelin wax xaaraan ah.

 

Abuu Cuteyba waxaa uu sheegay in aysan suurtagal ahayn in ay Badeeco fiican iyo lacag Kenya u dhoofiyaan iyana ay Qaad ugu soo bedelaan, wuxuuna uga digay ganacsatada in ay Qaad dambe soo geliyaan dalka, gaar ahaan deegaanada ay maxkamadaha ka taliyaan.

 

Haddaba markii ay ciidamada Maxkamadaha Islaamka Qaadka gubeen ayaa waxaa gadood sameeyay dadweyne aad u faro badan oo isugu jiray dadkii Qaadka cuni jiray iyo kuwii ka ganacsan jiray, waxayna dhagax tuur iyo taayarrto gubis ka sameeyeen qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho, iyagoo ku qeylinayay ereyo lid ku ah Maxkamadaha Islaamka.

 

Sidoo kale waxaa ka hadlay mamnuucidda Qaadka Mas’uuliyiinta ugu sareysa Maxkamadaha Islaamka ee kala ah Shiikh Xasan Daahir Aweys iyo Shiikh Shariif Shikh Axmed, waxayna labaduba sheegeen in qaadka uu dhibaato dhaqaale iyo mid Umadeed uu ku hayay shacabka Soomaaliyeed, sidaasi darteedna ay go’aansadeen in la mamnuuco.

 

Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay in Qaadka markii ay daraasad ay ku sameyeen ay ogaadeen in Qaadka uu dhaqaalaha, nafta, sharafka iyo diinkaba uu dhibo, sidaas darteedna ay go’aansadeen in la joojiyo Qaadka, isagoo intaas ku sii diray Shiikh Xasan in Qaadka la dagaalkiisa uu ka khatar badan yahay hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho isaga tegay markii ay dagaal la galeen Maxkamadaha Islaamka.

 

Shiikh Shariif ayaa isna sidoo kale sheegay in Qaadka oo dhibaato ku haya Umadda Soomaaliyeed la mamnuucay ka ganacsigiisa iyo cunistiisa intaba, isagoo caddeeyay in gaarigii lagu helo la ganaaxayo 7 Milyan oo Sh. So ah, halka qofkii isagoo cunaya la arkana la ganaaxayo 5 boqol kun Sh.So.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Qaadka ay maxkamadaha Islaamka ka mamnuuceen deegaanada ay ka taliyaan, gaar ahaana caasimadda Muqdisho ayaa waxaa uu saameeyay ganacsatadii yar yared ee nolol maalmeedka ka raadsan jiray iyo dadkii uu jirkooda qabatimay, kuwaasi oo horay u sheegi jiray in aaney far nuuxin karin haddii aaney Qaad cunin.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]

Mogadishu, Somalia