Turkiga oo dib u dhigay taageeradii miisaaniyadeed ee uu siin jiray Soomaaliya

Arbaco, December 17, 2025 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay dib u dhac ku yimid kaalmadii miisaaniyadeed oo ay ka heli jirtay Turkiga, iyadoo Wasiirka Maaliyaddu xaqiijiyay in lacagtaasi aan weli la helin sanadkan.

Wasiir Bixi Iimaan Cige, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya,  ayaa warbaahinta u sheegay in dowladda Turkiga, oo kamid ah saaxiibada safka hore ee Soomaaliya, ayaan weli bixin taageeradii miisaaniyadeed ee sanadlaha ahayd, xilli sannadku gabagabo marayo.

“Turkigu sanadihii hore si joogto ah ayuu u bixin jiray taageero miisaaniyadeed,” ayuu yiri Cige.

“Taageeradii sanadkan oo ahayd 30 milyan oo dollar ayaa dib u dhacday. Si ka duwan sanadihii hore, lacagta lama bixin waqtigeedii,” ayuu raaciyay.

Wasiirku wuxuu xusay in Soomaaliya sanadkan inta badan taageerada miisaaniyadeed ay ka heshay saaxiibo caalami ah oo kale, kuwaas oo ay ka mid yihiin Midowga Yurub, Qaramada Midoobay, iyo dalal saaxiib ah oo badan.

Dib u dhacaasi wuxuu dhaliyay su’aalo dhaliyay, kuwaas oo ku saabsan sababta Turkiga oo ka mid ah saaxiibada ugu muhiimsan Soomaaliya dhinacyada horumarinta, amniga iyo gargaarka bani’aadannimada, uusan weli u bixin kaalmada lacageed ee siin jiray Dowladda Soomaaliya.

Hadalka wasiirka maaliyadda ayaa imanaya xilli miisaaniyadda federaalka ee sannadkan, oo ka badan hal bilyan oo doollar, ay weli sugayso ansixinta Baarlamaanka.

Soomaaliya ayaa wajahaya caqabado dhaqaale oo waaweyn oo saameeyay Dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, taasoo muujinaysa baahida weyn ee loo qabo taageero miisaaniyadeed oo dibadeed.