Soomaaliya oo markii labaad Muqdisho ku martigalisay Kalfadhiga 35-aad ee Shirka ciidanka Heeganka Afrikada Bari (EASF)

Talaado, December 16, 2025 (HOL) -  Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ka furmay Kalfadhiga 35-aad ee caadiga ah ee Guddiga Taliyeyaasha Difaaca iyo Amaanka ee ciidanka Heeganka Afrikada Bari (EASF).

Kulankan oo noqonaya kii labaad ee sanadkan gudahiisa Soomaaliya martigeliso ayaa waxaa daah furay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cumar Cali Cabdi.

Wasiir Cumar Cali ayaa khudbad uu ka jeediyay furitaanka shirkan ku muujiyay sida ay shacabka Soomaaliya u farxad gelineyso martigelinta shirkan heer gobol ah, isagoona xusay in talaabadan muujinayso kalsoonida sii kordhaysa ee lagu qabo horumarka ay sameyneyso Soomaaliya iyo doorka ay ku leedahay amniga gobolka.

Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya Cumar Cali Cabdi ayaa sheegay in amniga dalalka Bariga Afrika uu yahay mid isku xiran, islamarkaana lama huraan tahay in si wadajir ah looga jawaabo caqabadaha amni ee ka jira gobolka iyo guud ahaan caalamka. 

Wasiirka waxuu xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya ay si buuxda uga go’an tahay taageeridda iyo ka qayb galka ciidanka Heeganka Afrikada Bari, isagoo xusay in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu si rasmi ah dhawaab u ansixiyay Sharciga Aasaaska EASF.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa kula dardaarmay ka qayb galayaasha shirka inay doodahooda kasoo saaraan go’aano wax ku ool ah iyo natiijooyin wax ku biirin kara xoojinta nabadda, amaanka iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee dalalka ku bahoobay ciidanka Heeganka Afrikada Bari.