Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed iyo Dhismaha Hay’adda Maaraynta Deegaanka

Khamiis, December 4, 2025 (HOL) - Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, waxaana shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, Xamsa Cabdi Barre, Kulanka ayaa diiradda lagu saaray ansixinta shuruuc iyo heshiisyo muhiim ah oo saameyn ballaaran ku leh dowlad-dhiska iyo horumarinta adeegyada shacabka.

Mid ka mid ah qodobada ugu waaweyn ee goluhu meelmariyey ayaa ahaa Sharciga Ciqaabta Soomaaliyeed, kaasi oo soo maray la-tashi ballaaran oo lagala sameeyay culimada, bulshada rayidka ah iyo khubarada sharciyada. 

Wasiiru dowlaha wasaaradda Amb. Ilyaas ayaa golaha wasiirrada ugu warbixiyay muhiimadda sharcigaan, marxaladahii uu soo maray iyo in lagu dhisay shareecada Islaamka, dhaqanka suuban, dastuurka dalka iyo xeerarka caalamiga ah isla markaana uu soo maray latashi ballaaran oo ay ka qeyb qaateen culimo, qareenno, garsoorayaal, xeer-ilaaliyeyaal, dowlad-goboleedyada dalka iyo bulshada Rayidka. 

Wasiir Ilyaas ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Golaha Wasiirrada ansixinta hindisahan isaga oo xusay in sharcigan la meel mariyey uu yahay tiir muhiim u ah dib-u-habaynta nidaamka cadaaladda Soomaaliya.

Sharcigan cusub ayaa lagu saleeyay waafaqsanaanta Diinta Islaamka, Dastuurka Soomaaliya iyo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, isaga oo noqonaya mid casri ah oo la jaanqaadaya xaaladda dalka sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay Shirka maanta ee Golaha Wasiirada.

Sidoo kale, golaha ayaa si qoto dheer uga dooday una ansixiyey hindise-sharciyeedka dhismaha Hay’adda Qaran ee Maaraynta Deegaanka, taas oo noqoneysa hay’addii ugu horreysay ee dalka u qaabilsan ilaalinta deegaanka, iyadoo la tixgelinayo xaalufka sii kordhaya iyo saamaynta isbeddelka cimilada ee Soomaaliya ku habsatay sanadihii u dambeeyay.

Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale ansixiyay dhowr heshiis iyo axdi oo muhiim u ah danaha guud ee dalka, kuwaas oo kala ah, Heshiis is-afgarad oo ka dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya, kaas oo ku saabsan iskaashiga batroolka, gaaska iyo macdanta, Hindise-sharciyeedka dhismaha Hay’adda Qaran ee Maareynta Deegaanka, Hindise-sharciyeedka Sharciga Ciqaabta Soomaaliya, Axdiga Caalamiga ah ee Baadi-goobka iyo Samatabixinta Badda (SAR 1979) iyo Axdiyada Geneva ee 12 August 1949 iyo Protokollada dheeraadka ah.

Intaa waxaa dheer, Golaha Wasiirrada ayaa dhageystay warbixino la xiriira amniga guud ee dalka iyo halka ay marayaan qorshayaasha doorashooyinka. 

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ugu dambeyntii faray golaha in ay door muuqda ka qaataan dadaallada dhexdhexaadinta colaadaha beelaha ee weli ka taagan qeybo ka mid ah dalka, hawshana si gaar ah loogu xilsaaray Wasaaradda Arrimaha Gudaha.