Saddex Askari oo katirsan ciidanka Puntland oo ku dhaawacmay Qarax Daacish kula eegatay Calmiskaad

 

Isniin, October 27, 2025 (HOL) - Saddex askari oo kamid ah ciidamada Puntland ayaa ku dhaawacmay qarax lagula eegtay degaanka Dhasaan oo katirsan degmada Qandala ee gobolka Bari.

Qaraxaan ayaa lala eegtay gaari ciidan oo ku safrayay waddada kasoo baxda tuulada Dhasaan oo kamid degaanada Daacish laga xoreeyay lix bilood ka hor.

newsinsideCiidamada lala eegay qaraxa ayaa ka tirsan guutada Duufaan oo uu taliye u ahaan jiray Gen. Cabdi Cali Qalyare, kasoo bishii September lagu dilay qarax lagula eegay Daraymadoobe oo u dhaxaysa degaanada Gaatir-Oodan iyo Qurac oo ku jeedsadan buuraha Calmiskaad.

Lama sheegin wax dhimasho ah oo uu geystay qaraxaan, hase ahaatee, Darawalka gaariga waday ayaa la sheegay inuu qabo dhaawac culus , waxaana loo qaaday magaalada Boosaaso.

Weerarkan ayaa kusoo beegmay labo maalin kaddib markii madaxweynaha Puntland uu sheegay in la wiiqay awooddii kooxda Daacish, isagoo ku dhawaaqay inay ciidamadu soo afjareen Daacishtii buuraha ka dagaalamaysay marka laga reebo tiro yar oo ku jirta togga Baallade ee buuraha Calmiskaad.

Weli waxaa muuqata in ay Daacish saamayn ku leeyihiin degaanadii horey looga saaray horraantii sanadkan. Hay’adaha amniga Puntland ayaa aaminsan in qaar kamid ah dadka degaanka ay wada shaqayn dhow la leeyihiin Daacish, una fududeeyaan qaraxyda ciidamada lala beegsado.