Koonfur Galbeed oo cambaareysay falkii argagaxa lahaa ee ka dhacay deegaanka Daduumay ee duleedka Wanlaweyn


Axad, November 9, 2025 (HOL) - Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarkii foosha xumaa ee ka dhacay deegaanka Daduumay oo lagu gubay nin waayeel ah oo madaxa looga jiray.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada ee Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in falkaas uu ahaa mid ka dhan ah bani’aadantinimada, nabadda iyo wada-noolaanshaha bulshada. 

newsinsideMaamulka ayaa ku celiyay in aysan marnaba aqbali doonin falal noocan oo kale ah oo lagu carqaladeynayo amniga iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, Koonfur Galbeed ayaa ballan qaaday in baaritaan buuxa lagu sameyn doono dhacdadaas naxdinta leh, isla markaana caddaaladda la horkeeni doono cid kasta oo ku lug leh falkaas. 

“Cidii dambigaas gashay kama badbaadi doonto sharciga,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay ehellada iyo qoysaska dadkii ku geeriyooday weerarka, iyadoo Alle uga barisay naxariistiisa janno in uu siiyo, ehelladana samir iyo iimaan.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Warfaafinta waxa ay ugu baaqday shacabka Koonfur Galbeed in ay muujiyaan feejignaan, islamarkaana ay la shaqeeyaan laamaha amniga si looga hortago falal amni-darro oo kale.