Dowladda Federaalka Soomaaliya oo si adag u cambaareysay kiis kufsi ah oo ka dhacay Xingalool

 

Arbaco, November 5, 2025 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay fal kufsi ah oo dhowaan ka dhacay degmada Xingalool ee gobolka Sanaag, kaas oo lagu sheegay inuu ahaa mid si arxan darro ah loogu geystay gabar 11 jir ah, 30-kii Oktoobar 2025.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa lagu tilmaamay falkaasi mid ka dhan ah bani’aadanimada, isla markaana si weyn u dhaawacaya xuquuqda carruurta Soomaaliyeed ee xaqa u leh nolol nabdoon iyo bulsho ka madax bannaan tacaddiyo iyo xadgudubyo.

newsinsideWasaaraddu waxay uga mahadcelisay maamulka Puntland iyo ciidanka booliska dadaalka ay ku bixiyeen qabashada eedeysanayaasha loo haysto kiiskan, iyadoo ku boorisay hay’adaha garsoorka in si degdeg ah cadaaladda loo horkeeno dadka ku lugta leh dambigan foosha xun.

Sidoo kale, Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa cambaareysay falal kale oo dhawaan lagu qaaday hooyooyin iyo carruur Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, kuwaas oo ka dhacay deegaano ka tirsan dowlad-goboleedka Galmudug.

Wasaaraddu waxay sheegtay inay ka go’an tahay difaacidda xuquuqda carruurta iyo haweenka Soomaaliyeed, iyadoo bulshada ugu baaqday inay ka hortagaan falalka noocan oo kale ah oo dhaawacaya sharafta iyo nolosha shacabka.