Talaado, November 4, 2025 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dodoma ee dalka Tanzania kaga qeyb galay xafladda caleema saarka madaxweynaha dib loo doortay ee Samia Suluxu Xasan.
Munaasabadda lagu Caleemo saarayay Samia Suluxu Xasan waxaa sidoo kale ka qeyb galay madax kale oo ka socotay Afrikaan ah, Ururrada gobolka iyo marti sharaf oo lagu casuumay.
newsinsideMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Xaflada ka jeediyay khudbad muhiim aheyd ayaa ku dheeraaday muhiimada ay leedahay xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga gobolka ee Soomaaliya iyo Tanzania.
Madaxweyne Xasan dhigiisa dalka Tanzania Samia Suluxu Xasan ku amaanay hanaankeeda hoggaamineed, wuxuuna cadeeyay iney Soomaaliya ka go’an tahay horumarinta Nabadda iyo iskaashiga guud ee gobolka.
“Guusha ay gaartay waxay ka tarjumaysaa kalsoonida iyo kalsoonida shacabka Tansaaniya, Soomaaliya waxa ay rajaynaysaa in aan sii xoojinno xiriirka walaaltinimo iyo horumarinta nabadda iyo barwaaqada gobolka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Sabtigii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Guddiga doorashada dalka Tanzania ay ku dhawaaqeen in madaxweyne Samia Suluhu Hassan ay ku guuleysatay codad gaaraya 97.66 boqolkiiba doorashadii dhacday.
Ugu dambeyntii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in mudada uu joogo dalkaasi Tanzania inuu halkaas kulamo gaar gaar ah kula yeesho madaxda kala duwan ee ka qeyb gashay xaflada lagu Caleemo saarayay haweeneyda mar labaad dib loogu doortay madaxweynaha dalkaas Samia Suluhu Xasan.