Aqalka Sare oo ansixiyay sharciyada, Barakayaasha Gudaha iyo sharciga Kalmo sharciyeedka Federaalka

 

Isniin, November 3, 2025 (HOL) - Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si aqlabiyad leh u ansixiyay laba hindise-sharciyeed oo muhiim ah kuwaas oo kala ah Sharciga Barakacayaasha Gudaha iyo Sharciga Kaalmo Sharciyeedka Federaalka.

Fadhiga maanta ee Aqalka Sare ayaa guddoominayay  Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Senator Cabdullaahi Timacadde , waxaana lagu ansixiyay shuruucdan kaddib akhrinta saddexaad oo ay soo jeediyeen guddi-hoosaadyada ku shaqada leh arrimahaas.

newsinsideSanatar Deeqo Xasan Xuseen, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha ee Aqalka Sare, ayaa soo bandhigtay akhrinta saddexaad ee Hindise-sharciyeedka Barakacayaasha Gudaha, iyadoo tilmaantay in sharcigan uu siinayo ilaalin iyo xuquuq sharciyeed dadka ku barakacay gudaha dalka, kuwaas oo ka badan 4 milyan oo qof.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Xoosh, ayaa uga mahadceliyay Sanatarrada Aqalka Sare ansixinta sharcigan muhiimka ah, isaga oo xusay in uu door weyn ka ciyaari doono xoojinta nidaamka federaalka iyo u adeegidda bulshada nugul.

Sidoo kale, Sanatar Saciid Cawke, oo ka tirsan Guddiga Caddaaladda iyo Garsoorka Aqalka Sare, ayaa soo jeediyay akhrinta saddexaad ee Hindise-sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka, kaas oo dhigaya nidaam lagu xaqiijinayo in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay helaan kaalmo sharciyeed marka ay wajahaan dhibaatooyin sharci ama maxkamadeed.

Sanatar Naciima Xasan Gadhwayne, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Caddaaladda iyo Garsoorka, ayaa iyaduna u mahadcelisay Sanatarrada Aqalka Sare, iyadoo sheegtay in sharcigan uu kor u qaadi doono helitaanka caddaalad iyo sinnaan sharciyeed dhammaan muwaadiniinta dalka.

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Macallin, ayaa bogaadiyay go’aanka Aqalka Sare, wuxuuna ku tilmaamay guul sharci-dejin oo muhiim u ah dowladnimada iyo daryeelka shacabka Soomaaliyeed.