Jimco, November 28, 2025 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Morocco, Caziiz Akhannouch ayaa magaalada Rabat wada-hadallo muhiim ah kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre kaa oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta mashaariicda ay labada dal ka wada shaqeeyaan.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Morocco, Akhannouch wuxuu cadeeyay sida uu Boqorka Morocco, Maxamedka 2aad, uga go’an yahay kobcinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal, isaga oo xusay in Morocco ay sii wadi doonto taageerada ay u fidiso Soomaaliya si loo xoojiyo nabadda, xasilloonida iyo dhismaha dawladnimada.
newsinsideRa’iisul Wasaaraha Morocco ayaa sidoo kale ammaanay mowqifka joogtada ah ee Soomaaliya ee ku aaddan madaxbannaanida dhuleed ee Morocco gaar ahaan codkii ay Soomaaliya ku taageertay qaraarka Golaha Ammaanka ee tiirsiguu ahaa 2797, soona baxay 31-kii Oktoobar 2025, kaas oo xoojiyay hindisaha is-maamulka ee Morocco u soo jeedisay xal u helidda arrinta Saxaraha.
Dhankiisa, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in kulankiisu la yeeshay Akhannouch uu fursad u noqday in la sii ballaariyo wadashaqeynta siyaasadeed iyo tan dhaqaale, lana dhiirrigeliyo mashaariic cusub oo iskaashi.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay dariiqooyinka lagu horumarin karo iskaashiga dhaqaale, ballaarinta goobaha wada-shaqeynta, iyo is-dhaafsiga khibradaha gaar ahaan meelaha ay labada dal danaha wadaagaan.