Khamiis, November 27, 2025 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa si adag uga hadlay dhibaatooyinka ka jira qeybo ka mid ah deegaanada maamulkiisa.
Madaxweyne Laftagareen gareen ayaa sheegay inaan la aqbali karin in jidka loo istaago dadka masaafurka ah ee ku safraya wadooyinka deegaanada maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.
Wuxuu xusay in xiligaan dalka uu wajahayo xaalado adag oo kala duwan oo ay ugu horeeyaan abaaro iyo colaado, Islamarkaana haatan ay kusii darsoontay in jidka loo istaago dadka masaafurka ah.
newsinside"Wax la aqbali karno maaha in masaafurka jidka loo istaago, shalay waxaan maqlay dhacadadii igu xumeyd ee ah in 2 doollaar loo dilay nin masafur ahaa oo gaarigiisa wata, nasiib wanaag ninkii dilka geystay waa la qabtay cadaalada ayaa la horkeeni doono wixii u soo baxa ayaana lagu qaadi doona" ayuu yiri madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqay shacabka ku nool deegaanada maamulkiisa iney ka shaqeeyaan Cadaaladda si looga gudbo dhibaatooyinka jira.
"Waxa kaliya ee aan wax ku nahay waa Cadaaladda oo ah sheyga kaliya ee wax walba hagaajin kara, hadii cadaalad la waayo wax walba meesha ayay ka baxayaan" ayuu yiri madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.
Hadalka madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kusoo aadaya, iyadoo qeybo ka mid ah deegaanada maamulkaas ay ka jiraan colaado sababay in qof nool nolosha lagu gubo.