Puntland oo xabsiga dhigtay sarkaal hay’adda socdaalka oo loo haysta tahriibinta dhalinyarada


Axad, November 23, 2025 (HOL) - Puntland ayaa xirtay sarkaal sare oo ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, kana howlgelayay xafiiskeeda magaalada Garowe ee Puntland, kaddib markii lagu eedeeyay inuu gacan siiyay shabakadaha tahriibinta dhalinyarada.

Sarkaalkan, oo wararku sheegayaan inuu ahaa ku-xigeenka xafiiska Socdaalka ee Garowe, ayaa lagu tuhmayaa inuu si sharci-darro ah u siiyay dhalinyaro tiro badan baasaboorka Soomaaliga, kuwaas oo markii dambe lagu qabtay garoomada diyaaradaha ee Puntland iyagoo isku dayaya inay dalka ka baxaan.

newsinsideWararka ayaa intaas ku daraya in masuulkan loo gudbin doono maxkamad, maaddaama lagu eedeeyay ku lug lahaanshaha tahriibinta iyo jebinta amar maamul uu kasoo saaray oo mamnuucaya in dhalinyarada aan loo sameyn baasaboor.

Xarigiisa ayaa yimid xilli maamulka Puntland uu gacanta ku hayo dhalinyaro badan oo rag iyo dumar ah, kuwaas oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha Garowe, kuwaas oo intooda badan ka yimid Muqdisho, kuna wajahnaa Ethiopia si ay halkaas uga sii tahriibaan.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in qof kasta oo lagu qabto falal la xiriira tahriibka la horgeyn doono maxkamad, iyadoo lagu qaadayo xeerarka ay dejisay dowladda ee la dagaallanka tahriibka.

Puntland ayaa weli kamid ah meelaha ugu badan ee ay dhalinyaradu isku dayaan inay ka tahriibaan, iyadoo ay magaalada ku sugan yihiin shabakado sir ah oo ka caawiya helitaanka kharashaadka safarka iyo dukumentiyada, sida baasaboorrada.