Sabti, November 22, 2025 (HOL) - Hoggaamiyaha xisbiga DCP ee Kenya, Rigathi Gachagua, ayaa si kulul u dhaliilay khudbad uu Madaxweynaha Kenya William Ruto uu ku sheegay in Kenya ay cagta saartay jidka horumarka oo ay noqonayso Singapore oo kale, isaga oo ku tilmaaamay "hadal madhan."
Gachagua oo muddo laba sano ah madaxweyne ku xigeen u aha Ruto lakiin baarlamaanku xil ka xayuubin ku sameeyay, ayaa sheegay in Madaxweyne Ruto looga baahnaa inuu ku dhawaaqo in la joojinayo xashuurta Housing Levy-ga oo ah canshuur 1.5% laga qaado mushaharka shaqaalaha, isla markaana la soo celiyo lacagaha laga qaaday dadweynaha.
Waxa uu si adag uga jawaabay hadalkii Madaxweyne Ruto ee ahaa in Kenya ay qaaday jihada waddamada horumaray sida Singapore, isaga oo sheegay in taasi ayna macquul ahayn.

newsinside“Haddii aad maskaxda ku hayso Soomaaliya garanmaayo,l lakiin Kenya ma gayn kartid heerka Singapore oo celceliska mushaharka halka qof uu yahay Sh700,000, halka kan Kenya uu yahay Sh70,000 oo weliba 50% canshuur looga qaado,” ayuu yidhi Gachagua.
Gachagua ayaa sidoo kale sheegay in qorshaha cusub ee Madaxweyne Ruto aanu la jaanqaadi karin arragtida 2030, isagoo ku dooday in madaxweynuhu uu soo bandhigay riyooyin aan ku dhisnayn xaqiiq.
Waxa uu ku tilmaamay sheegashada dowladda ee ah in in ka badan Sh80 bilyan lagu kaalmeeyay 7 milyan oo Kenyan ah "sheeko aan run ahayn", maadaama dadku ay weli la liitaan amaah yar iyo dulsaaryo sare.
Waxa uu si gaar ah u beegsaday Hay'adda Caafimaadka ee SHA, oo uu ku tilmaamay “mashruuc musuq-maasuq ku dhisan” oo ay ka faa’iideysteen kooxo dhowr ah oo ku dhow madaxda talada haysa.
“Hay’ad caafimaad oo ku shaqaynaysa musuq qorshaysan, islamarkaana aan bixin deymaha lagu leeyahay, adeeg ma aha ee waa silica shacabka,” ayuu ku daray.
Gachagua ayaa sidoo kale ku dhaleeceeyay Ruto inuu ku faanayo inuu Kenya gaadhsiinayo heerka waddamada horumaray, iyada oo taliskiisa lagu eedeeyo musuq, xadgudub xuquuqda aadamaha iyo dhigasho isbaaro siyaasadeed.
Madaxweyne Ruto ayaa khudbaddiisa ku sheegay in Kenya ay ku gaadhi karto "heerka dunida kowaad" haddii lagu maalgeliyo Sh5 trillion, isagoo sheegay in qorshahaasi ku salaysan yahay afar qodob oo kala ah: Kor u qaadista helitaanka waxbarashada, in la kordhiyo wax soo saarka, soo saarista koronto dheeri ah, iyo dhismaha ugu yaraan 28,000 km oo waddooyin ah 10 sano gudahood.
Laakiin Gachagua ayaa sheegay in qorshayaashaas aysan lahayn maalgelin muuqata, isla markaana aysan xallin karin dhibaatooyinka dhaqaale ee hadda jira.