Madaxda dowladda Fedaraalka oo si weyn u bogaadiyay guusha taariikhiga ah ee Garsoore Cumar Cabdiqaadir Cartan

 

Khamiis, November 20, 2025 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Xamse Cabdi Barre ayaa si isku mid ah ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed  guusha taariikhiga ah ee Xalay uu soo hooyay Garsoore Cumar Cabdiqaadir Cartan oo ku guuleystay Abaalmarinta Garsooraha ugu wanaagsan Qaaradda Afrika ee Sanadka ee 2025.

Munaasabad heer sare aheyd oo ka dhacday dalka Morocco ayaa lagu bixiyay abaal marinta CAF Awards, taasoo uu ku guuleystay Garsooraha heerka Caalami ah ee Soomaaliyeed Cumar Cabdiqaadir Cartan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guusha Garsoore Cartan ku tilmaamay mid taariiqi ah oo kor u qaadeysa magaca ummadda Soomaaliyeed.

newsinside“Garsoore Cumar waxaa uu astaan u yahay kartida, hal’adaygga, iyo xirfadda mihnadeed ee heerkeedu sarreeyo ee ay leeyihiin dhallinyaradeennu, isaga oo ku guuleystay in magaca ummadda Soomaaliyeed guud ahaan iyo dhalinyarrada si gaar ah uu sare u qaado isla markaana ku matalo fagaarayaasha caalamka, guushaan taariikhiga ahna kasoo hooyay.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. 

Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa dhankiisa si weyn u bogaadiyay guusha uu gaaray Garsoore Cumar Cabdiqaadir Cartan oo uu ku tilmaamay mid muujinaysana kartida iyo wax galnimada qofka Soomaaliga ah. 

"Waa guul weyn oo usoo hoyatay ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto, muujinaysana kartida iyo wax-galnimada qofka Soomaaliga ah. Garsoore Cumar waxa uu tusaale wanaagsan oo ku dayasho mudan u yahay dhallinyaradeena, waxaanan ku boggaadinayaa dedaalka uu galiyay xirfadiisa, taas oo sharaf usoo hoyisay qaranka" ayuu yiri Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre. 

Ugu dambeyntii Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF) ayaa Xalay sidoo kale bixiyay abaalmarino ay ka mid yihiin Ciyaaryahanka ugu Fiican Afrika oo uu ku guuleystay Achraf Hakimi, halka Goolhayaha ugu Fiican 2025 oo la guddoonsiiyay Yassine Bounou, iyadoo Xulka Kubadda Cagta Masar la guddoonsiiyay abaalmarinta Kooxda ugu fiican Afrika kadib guulo ay gaareen CAF Champions League iyo Super Cup.