Howlgalo ka dhan ah Al-shabaab oo maalintii sadexaad ka socda gobolka Bakool


Talaado, November 18, 2025 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa maalintii sadexaad oo xiriir ah howlgalo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab ka wada deegaanada hoostaga degmooyinka Waajid iyo Xudur ee gobolka Bakool. 

Howlgaladaan ayaa ah kuwa ciidanka xoogga dalka ay ku doonayaan in kooxdu ay kaga saaraan inta u dhaxeysa degmooyinka Xudur iyo Waajid, si ay u xaqiijiyaan amniga wadada dheer ee isku xirta labadaasi degmo.

newsinsideCiidamada ayaa Hawlgaladan, si gaar ah ugu beegsanaya fariisimaha kooxdu ay ku leedahay inta u dhaxeysa labadaan degmo, waxaana xusid mudan in howlgaladaan lagu dilay tiro ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in howlgaladaan lagu dilay Sarkaal kooxda u qabailsaba askaraynta caruurta iyo ururinta dagaalyahanada cusub ee ku biiraya maleeshiyada Al-shabaab, kaasoo magaciisa lagu sheegay Cabdi Boorow.

Ugu dambeyntii deegaanadaan u dhaxeeya Waajid iyo Xudur ee gobolka Bakool oo ciidanku howlgalada ka wadaan maalintii sadaxaad ayaa ka mid ah deegaanada ay sida weyn uga sugan yihiin Al-shabaabka ku sugan gobolka Bakool.