Golaha Ammaanka oo ka digay xiriirka cusub oo u dhexeeya Xuutiyiinta Yemen iyo Al-shabaab


Sabti, November 15, 2025 (HOL) - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay digniin culus oo ku wajahan ammaanka Soomaaliya, kaddib markii warbixin rasmi ah oo ay soo gudbiyeen Khubarada Qaramada Midoobay ay muujisay in kooxda Xuutiyiinta Yemen ay si weyn u ballaarisay xiriirka iyo wada shaqaynta ay la yeeshay Al-Shabaab, taas oo khatar cusub oo istaraatiiji ah ku keentay Geeska Afrika.

Xogtan ayaa timid xilli Golaha Ammaanka uu kordhiyay cunaqabateynta Yemen, balse waxa ugu murugsan ee ka muuqday warbixinta ayaa noqday in xiriirkan cusub uu gaaray darajo aan hore loo diiwaangelin.

Warbixinta Khubarada oo Golaha horgeeyay ayaa lagu sheegay in sanadkii la soo dhaafay ay soo kordheen kanaallo qarsoodi ah oo isku xira Xuutiyiinta iyo shabakadaha argagixisada ah ee gobolka, kuwaas oo ay Al-Shabaab ku jirto.

newsinsideWaxaa lagu caddeeyay in iskaashigan uu ka koobnaan karo isdhaafsiga hubka, farsamooyinka qaraxyada, iyo taageero dhaqaale oo ka timaadda shabakadaha tahriibka hubka ee mara maraakiibta u kala goosha Yemen iyo xeebaha Soomaaliya. Khubaradu waxay tilmaameen in dhaqdhaqaaqyadan ay gaareen heer ay khatar ku yihiin amniga Badda Cas, oo ah marin-biyood muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah, iyo xasilloonida guud ee Geeska Afrika.

Waxaa sidoo kale warbixinta lagu sheegay in dhammaan xogaha la helay ay caddeynayaan in xiriirka u dhexeeya labada koox uu yahay mid si tartiib ah u kobcay, laakiin sanadkii la soo dhaafay gaaray heer uu ku noqday isbeddel istaraatiiji ah. Golaha Ammaanka ayaa tan ku sifeeyay mid ka baxsan ganacsiyada sharci darrada ah ee caadiga u ahaa kooxaha ka hawlgala badaha gobolka, iyadoo lagu tilmaamay in ay u muuqato isku furnaan siyaasad iyo militari oo loo baahan yahay in si degdeg ah loo fahmo.

Ammaanka badda, gaar ahaan meelaha ay maraakiibta ganacsiga iyo kuwa shidaalka ka gudbaan, ayaa khatar dheeraad ah galay. Xeebaha Soomaaliya oo horey ula tacaalayay caqabado ay ka mid yihiin burcad-badeednimo, kalluumeysi sharci darro ah iyo dhaqdhaqaaqyo maaliyadeed oo aan la maamulin, ayaa hadda wajahaya halis cusub oo la xiriirta in kooxaha xagjirka ah ay yeeshaan marinno isku xidha meelo badan oo gobolka ah.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in ay jirto cabsi ah in haddii xiriirkan sii ballaarto uu kordhin karo awoodda Al-Shabaab ee dhinaca hubka iyo farsamooyinka dagaalka, taasoo ah arrin khatar ku noqon karta nabadda dalka iyo guud ahaan gobolka.

UN-ka ayaa usoo jeediyay Soomaaliya, dalalka gobolka iyo beesha caalamka in ay u baahan yihiin inay yeeshaan iskaashi dhanka sirdoonka ah oo midaysan si loo ogaado, loona joojiyo marinada cusub ee la sheegay in Xuutiyiintu u adeegsadaan kala gudbinta hubka.