Khamiis, November 13, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa sheegay in dalalka leh xeebaha ee Afrika ay noqdeen kuwo "danaystayaal" ah oo moodaya in badahooda ay iyaga oo keliya leeyihiin. Waxa uu tilmaamay in Uganda ay xaq u leedahay in ay gaadho Badwaynta Hindiya.
Museveni ayaa sheegay in haddii dowladaha leh badda ay diidaan in ay la wadaagaan marinada badda, isla markaana ay ku adkaystaan fikirka ah in baddu ay iyaga u gaar tahay, taasi ay keeni karto dagaallo mustaqbalka.
"Mustaqbalka dagaal ayaynu galaynaa... Uganda waa waddan aan bad lahayn, laakiin meeday badeennu? Badeennu waa Badwaynta Hindiya. Anigu dabaqa sare ayaan deganahay, marka ma odhan kartid bada waxa iska leh kuwa dabaqa hoose oo keliya - taasi waa waali," ayuu yidhi Museveni.
newsinsideUganda ayaa hore u qorsheysay in ay dhisto tubo shidaal oo ka bilaabmaysa Hoima, kuna sii jeeda Tanzania, halkaas oo ay ku xidhmato dekedda Tanga Port ee Badda Hindiya.
Sidoo kale, sanadkii 2008, Museveni wuxuu sheegay inuu ka faa’iideysan karo Webiga Niil, si loogu helo marin toos ah oo badeecadaha Uganda loogu dhoofiyo Badda Mediterranean, balse hadda waxa uu u muuqdaa inuu doorbidayo inuu marin toos ah ka helo Badda Hindiya, xitaa haddii ay taasi keenayso xiisad.
Madaxweynaha ayaa muujiyay cadho uu ka qabo waxa uu ugu yeedhay “bakhaylnimada” qaar ka mid ah dalalka xeebaha leh, isagoo sheegay in dekedaha iyo baddaha ay tahay in ay ka wada faa’iidaystaan dhammaan dalalka qaaradda Afrika. Museveni ayaa u muuqda in uu si gaar ah ula hadlayo Kenya, oo uu ka heli karo jidka ugu dhow ee dalkiisa ku xidhi kara badda.
Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiilka madaxweynaha iyo taliyaha ciidanka Uganda, ayaa si degdeg ah u soo dhaweeyay hadalka aabihii, isagoo sheegay inuu diyaar u yahay “inuu dagaal la galo Kenya” si Uganda si toos ah uga hesho marin badeed.
Inkasta oo ay u badan tahay in hadalkiisu aanu ficil isu beddelin, haddana waxa uu muujinayaa heerka uu gaadhay damaca Uganda ee ku saabsan marin badeedka.
Hadallada madaxda sare ee Uganda ayaa imanaya xilli dowlada Itoobiya, oo iyaduna aan bad lahayn, ay raadinayso marin badeed. Itoobiya ayaa sannadkii hore heshiis la gashay Somaliland si ay uga hesho marin badeed, inkasta oo heshiiskaasi uu hakad galay.
Tallaabada dalalka aan badda lahayn ee gobolka ayaa muujinaysa xiisad cusub oo laga yaabo in ay waxyeello u geysato xidhiidhka dalalka xeebaha leh iyo kuwa aan lahayn, haddii damacooda sii socdo.