Madaxweyne Laftagareen iyo Maxamed Mursal oo ka heshiiyay Siyaasadda Koonfur Galbeed


Isniin, November 10, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Maxamed Laftagareen, iyo Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, ayaa maanta kulan qado ah ku yeeshay magaalada Nairobi, iyagoo ka wada hadlay siyaasadda iyo danaha deegaanka Koonfur Galbeed.

Kulanka oo ay fududeeyeen Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur (Saransoor), Xildhibaan hore Samiira Xasan Cabdulle, iyo saaxiibada siyaasadeed ee Madaxweyne Laftagareen, ayaa lagu soo gabagabeeyay heshiis ku saabsan xurguftii siyaasadeed ee labada masuul u dhaxeysay.

newsinsideMadaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, ayaa bartiisa Facebook ku qoray in uu maanta kulan kula qaatay Guddoomiyaha hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Mursal, ayna isla meel dhigeen kala aragti duwanaanshihii siyaasadeed, ayna ku heshiiyeen midnimada, wadajirka, iyo horumarka Koonfur Galbeed iyo guud ahaan Soomaaliya.

"Waxaan maanta Magaalada Narobi kulan kula qaatay Walaalkayga Gudoomiye Maxamed Mursal oo aan ka heshiinay kala aragti duwanaanshihii siyaasadeed anagoo isku raacnay midnimada, Wadajirka iyo Hormarka Koonfur Galbeed iyo Guud ahaan Soomaaliya inaan ka shaqayno." ayuu qoraalkiisa ku yiri Laftagareen.

Heshiiskan ayaa la filayaa inuu xoojiyo wada-shaqaynta labada dhinac iyo xasiloonida siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed, dhowr jeer oo horey ayuu Laftagareen ka hor istaagay Maxamed Mursan safaro uu ku doonayay inuu ku gaaro magaalada Baydhabo maadama uu ahaa shaqsi mucaarad ku ah Maamulkiisa.