5/15/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 7 , 2025
Mid kamid ah ilaalada guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo ku dhaawacmay iska hor imaad ka dhacay Garowe
 

Arbaco, May 7, 2025 (HOL) - Hal askari oo ka tirsan ciidanka ilaaladda Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa ku dhaawacmay iska horimaad caawa ka dhacay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Iska hor imaadkan ayaa dhexmaray ciidamo ka tirsan ilaalada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ciidamada  booliiska gobolka Nugaal, xilli ay booliisku wadeen howlgallo lagula dagaallamayo hubka sharci darrada ah.

Sarkaal ka tirsan booliiska ayaa u sheegay HOL in ay Booliisku isku dayeen inay hub ka qaadaan askarta ilaaladda Guddoomiyaha Baarlamaanka, kuwaas oo la sheegay in aysan wadan dareeska rasmiga ah ee ciidamada isla markaana ku sugnaa meel meherad ah oo kutaala agagaarka Hotel Cadduun.

Sarkaalka ciidanka Booliiska ayaa intaas ku daray in rasaastu bilaabatay markii askarta ilaalada Guddoomiyuhu diideen inay hubkooda wareejiyaan.

Dadaallo aan sameynay si aan dhanka Guddoomiyaha Baarlamaanka wax uga ogaano dhacdadan nooma suurtoobin.

Dhacdadan ayaa kusoo beegantay maalmo kaddib markii magaalada Garowe ay ka dhaceen falal amniga lid ku ah oo lagu dilay dad shacab  ah.

Maalin kahor, maamulka Gobolka Nugaal iyo laamaha amniga ayaa sheegay inay bilaabayaan  howlgallo lagula dagaalamayo hubka sharci darrada ah, si loo xaqiijiyo amniga magaalada Garowe.