5/15/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 7 , 2025
Soomaaliya iyo Malaysia oo kala saxiixday Heshiisyo Is-Afgarad oo la xiriira Maamulka Dhijitaalka iyo Amniga Internetka
 

Arbaco, May 7, 2025 (HOL) - Dowladdaha Soomaaliya iyo Malaysia ayaa kala saxiixday laba Heshiis oo Is-Afgarad (MOU) oo xoojinaaya iskaashi dhinacyo badan leh oo ku saabsan maamulka dhijitaalka, wadashaqeynta farsamo iyo kobcinta amniga internetka.

Dowladda Soomaaliya heshiiskaan waxaa u saxiixday Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ee Soomaaliya, halka ay Dowladda Malaysia na ay u saxiixday Hay’adda Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Malaysia (MCMC) iyo Hay’adda Amniga Internetka ee Malaysia (CyberSecurity Malaysia).

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mustaf Yaasin, ayaa sheegay in heshiiskan uu ku soo beegmay xilli muhiim ah, isla markaana uu kaalin weyn ka ciyaari doono kobcinta xirfadaha howlwadeennada Hay’adda iyo dardargelinta isbeddelka dhijitaalka ee dalka.

Heshiiska ugu horreeya ee lala saxiixday MCMC ayaa diiradda saaraya iskaashiga dhinacyqda: Xeernidaamiyeyaasha iyo qaab-dhismeedka farsamada ee 5G, isweydaarsiga siyaasadaha maamulka isgaarsiinta, iyo barnaamijyo tababarro gaaban iyo khibrad is-dhaafsi lagu xoojinayo awoodda hay’adaha.

Heshiiska labaad ee lala saxiixday Hay’adda Amniga Internet ka Malaysia (CyberSecurity Malaysia) wuxuu ku saabsan yaha ka-hortagga iyo ka-jawaabista weerarrada internetka, isdhaafsiga xogta khatarta ah iyo isbeddellada amniga Teknoolojiyadda, iskaashi ku saabsan diblomaasiyadda internetka, iyo in Dalkeena uu qeyb ka noqdo barnaamijka caalamiga ah ee tababarrada ee Global ACE.

Guddoomiyaha Hay’adda Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Malaysia, YBhg. Tan Sri Maxamed Salim bin Faatix Din, ayaa muujiyey muhiimadda uu leeyahay iskaashiga caalamiga ah ee dhanka horumarinta xeernidaamiyeyaasha, isagoo ku tilmaamay heshiiskan inuu yahay madal lagu dardargelin karo isweydaarsiga aqoonta iyo iskaashiga farsamo.

Sidoo kale, intii ay socotay munaasabadda saxiixa heshiiska la galay Hay’adda Amniga Internet ka Malaysia, Madaxa Fulinta ee hay’adda, Dato’ Ts. Dr. Haji Amirudiin Bin Cabdul Wahab, ayaa ku tilmaamay iskaashigan fursad muhiim u ah in la xoojiyo adkeysiga wadajirka ah ee ka dhanka ah khataraha cusub ee internet ka.

Iskaashiyadan cusub waxay ka tarjumayaan sida ay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka uga go’an tahay in la xoojiyo horumarka teknoolojiyadda dalka, iyada oo kaashaneysa iskaashi caalami ah iyo hirgelinta hab-raacyada heerarka ugu sarreeya ee caalamka.