Arbaco, May 7, 2025 (HOL) - Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Yuusuf Maxamed Aadan oo ku sugan magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa kala hadlay madaxda dalkaasi dardargelinta heshiiska Soomaaliya iyo Sacuudiga ee Shaqaale Soomaali ah loogu qaadayo dalkaasi.
Wasiir Yuusuf, ayaa kulan heerkiisu sarreeyo la qaatay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Horumarinta Bulshada ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Dr Abdullah bin Nasser oo ay kawada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta labada dal ee dhinacyada horumarinta bulshada iyo shaqo abuurka.
Labada wasiir ayaa isku afgartay in la dardargeliyo dhaqan gelinta heshiiska shaqo abuurka dibadda oo ay ka faa’iidaysan karaan kumannaan Soomaali ah oo shaqo doon ah.
“Waxaa naga go’an inaan hubinno in dhalinyaradeena iyo shaqaalaheena xirfada leh ay heli karaan fursado shaqo oo sharci ah oo wax ku ool ah meel ka baxsan Soomaaliya,” ayuu yiri wasiir Yuusuf.
"Heshiiskan aan la galnay Boqortooyada Sacuudi Carabiya waa tallaabo muhiim ah oo hore loogu qaaday wax ka qabashada shaqo la'aanta iyo abuurista fursado nololeed ee muwaadiniinteena." Ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ballan qaaday in ay hirgelin doonto barnaamijyo tababaro iyo qaab-dhismeedyo sharciyeed si loogu diyaariyo shaqaalaha mustaqbalka ee dibadda ka imaanaya suuqyada shaqada, hubinta ammaankooda, fayoobidooda, iyo is dhexgalka.