5/15/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 6 , 2025
Dowladda Fedaraalka oo baaq deg deg ah kasoo saartay dagaal beeleed ka dhacay gobolka Hiiraan
 

Talaado, May 6, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaal beeleed maanta ka qarxay deegaano hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Wasiirka ayaa ugu baaqay beelaha walaalaha ee maanta colaadoodu kasoo cusboonaatay gobolka Hiiraan ee kasoo kala jeeda Galgaduud iyo Hiiraan in wax waliba ku dhameeyaan si nabad ah.

"Anigoo ka duulaya muhiimadda ay nabaddu u leedahay bulshada, waxaan baaq nabadeed u dirayaa beelaha walaalaha ah ee saaka ay shaqaaqadu ku dhex martay deegaanka Miirdacay, ee degmada Matabaan. Waxaan si naxariis leh uga codsanayaa odayaasha dhaqanka, culimada, dhalinyarada, iyo waxgaradka labada beelood in ay u istaagaan xasilinta xaaladda, nabadna ka shaqeeyaan. Waa in si degan oo xilkasnimo leh laysku xakameeyaa, waayo dagaal wiil baa ku dhinta ee wiil kuma dhasho" ayuu yiri Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Daahir Shire Maxamed.

Dhinaca kale maamulka gobolka Hiiraan ayaa warsaxafadeed uu soo saaray waxa uu ugu baaqay Odayaasha beelaha ku dagaamalayo deegaanada kala ah Miirdacay, Dawa caleey ee hoostaga degmada Matabaan ee gobalka hiiraan in si bilaa sharuud ah ku joojiyaan dagaalka.

"Walaalyaal waxaa idinka dhaxeeyo wax aysan Biri gooyn karin biyane meeyri karin maanta hal Dagaal ayaa inoo furan waana ladagaalanka khawaarijta Maanta waxaa lagama maarmaan ah nabad buuxdo Dagaal qabiil jano maleh dagaaal qabiil hormar maleh waa in beelaha walaalaha ah Ee reer hiiraan aay ka guuraan dhaqan-ka caqabada ku ah jiritaan kooda lana helo jidka dhab-u-hishiisinta" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay maamulka gobolka Hiiraan.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale faray ciidamada qalabka sida iney ku baxaan oo ay dhex galaan beelaha walaalaha ah ee colaada u dhaxeysa si loo helo nabad waarta.

"Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan oo ka duulayo Muhiimada aay leedahay joojinta dhiiga walaalaha soomaaliyeed ee deriska ah ayaa wada Dadaaladii Ugu dambeeyey ee lagu dhalin lahaa xabad joojin Ayadoo ciidamada qalabka sida la faray sidii loo Qaboojin lahaa colaadaha beelaha walaalaha ah si Loo abuuri jawi wadahadal oo lagu afjaro Colaadaha , asigoo ugu baqay beelaha nabad" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay maamulka gobolka Hiiraan.

Ugu dambeyntii baaqaan loo jeedinayo beelaha kasoo kala jeeda Hiiraan iyo Galgaduud ayaa kusoo aadaya, iyadoo aroornimadii hore ee saakay laba ruux oo Xoolo dhaqatada ahaa oo deegaan ahaan kasoo jeeday gobolka Hiiraan lagu dilay deegaanka Miir dacay oo hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.