Talaado, May 6, 2025 (HOL) - Ururka Al-Shabaab ayaa weli helaya dakhli sannadle ah oo ballaaran, iyadoo warbixin cusub oo ay soo saartay Insight Intelligence ay ku sheegtay in dakhliga kooxda uu gaarayo inta u dhexeysa $100 milyan ilaa $200 milyan sannadkii.
Warbixinta oo uu qoray khabiirka amniga Elena Martynova ayaa muujisay in Al-Shabaab ay si weyn ugu tiirsan tahay ilaha dhaqaalaha ee gudaha, sida canshuuraha ay ka qaadaan ganacsatada, lacagaha moobilka, iyo adeegyada xawaaladaha.
Sidoo kale, kooxda Alshabaab ayaa si istaraatiji ah u adeegsata lacagta caddaanka ah iyo bangiyada gudaha si ay u maareeyaan dhaqdhaqaaqyadooda, ayna u fuliyaan weerarrada qorsheysan.
Inkasta oo Mareykanka iyo xulafadiisu ay kordhiyeen cadaadiska ka dhanka ah argagixisada, haddana awoodda dhaqaale ee Al-Shabaab ayaa ka dhigaysa khatar sii jirta oo si sahlan ugu faafi karta gudaha Soomaaliya, guud ahaan Geeska Afrika, iyo meelaha kale ee danaha reer Galbeedka ay taabanayaan.
“Waxaa jira isbeddelo istiraatiiji ah oo sii kordhinaya khatarta kooxda al-Shabaab. Tani waxay ka mid tahay iskaashi sii kordhaya oo ay la leeyihiin kooxo argagixiso kale ah, oo ay ka mid yihiin Jama’at Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM), al-Qaeda ee Jasiiradda Carabta (AQAP), iyo Xuutiyiinta, oo ka tirsan “Isbahaysiga uu hoggaamiyo Iiraan.
Martynova waxa uu sheegay in Xuutiyiintu ay la shaqeeyaan ururka Daacish ee Soomaaliya, taasoo muujinaysa sida uu sheegay, kartida ay u leeyihiin doorka dhexdhexaadiyaan Alshabaab iyo Daacish.