Arbaco, Maarso 5, 2025 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Raysal Wasaarihii hore, Xasan Cali Kheyre, iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si buuxda u taageeray Ciidanka Xoogga Dalka, Daraawiishta iyo halgamayaasha deegaanka ee dagaalka kula jira kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab.
Warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen ayay ku caddeeyeen in lagama maarmaan tahay in dib u eegis lagu sameeyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, si loo xalliyo caqabadaha keenay in kooxaha argagixisada ah ay dib ugu soo laabtaan deegaanno horey looga xoreeyey.
Waxay xuseen baahida loo qabo tallaabo degdeg ah oo lagu xakameynayo duullaanka ay mar kale ku soo qaadayaan gobolladii laga saaray sanad ka hor.
"Ka hortagga iyo ciribtirka argagixisada waa ajande qaran, waxaana lagu xaqiijin karaa wadajir, midnimo qaran, iyo siyaasad loo dhan yahay. Waxaan Madaxweynaha ugu baaqeynaa in uu la yimaado istiraatiijiyad cad iyo qorshe dhameystiran oo lagu hirgelinayo abaabul qaran, si dalka looga ciribtiro khawaarijta," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Sidoo kale, waxay madaxda hore ee dalka xuseen in ay horey dhowr jeer uga digeen Madaxweynaha in khilaafka siyaasadeed uu wiiqayo dagaalka lagula jiro argagixisada. Hase yeeshee, taa bedelkeeda, ayay sheegeen inuu Madaxweynuhu dagaal siyaasadeed la galay qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, taasoo hakisay hawlgalladii Shabaab lagula dagaallamayey. Waxay sheegeen in taasi keentay in Al-Shabaab ay dib u xoogeystaan, taasoo sida ay sheegeen niyad-jab weyn ku riday shacabka iyo ciidamada.
Madaxda hore ayaa ugu dambeyn ugu baaqay Madaxweynaha in uu dhex-dhexaad ka noqdo talada dalka, xalna laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay arrimaha dastuurka, si ummaddu uga mideysnaato dagaalka lagula jiro ururka Alshabaab.
