3/29/2025
Today from Hiiraan Online: Saudi Arabia announces Sunday as first day of Eid Al Fitr
Wararka Maanta- Sabti, Mar 22, 2025
Xulka Qaranka Soomaaliya oo barbaro la galay dhigooda dalka Guinea kulan ka tirsanaa isreeb reebka Koobka Aduunka
 

Sabti, Maarso 22, 2025 (HOL) - Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa Xalay kulan ka tirsanaa isreeb reebka Koobka Aduunka ee sanadka 2026-ka ee kaga hortagay dhigiisa dalka Guinea oo ay ku kala baxeen 90-kii daqiiqo ee ciyaarta loogu talo galay barbaro 0-0 ah.

Kulankaan ayaa ahaa mid Xalay Xulka Qaranka Soomaaliya ay sameeyeen difaacasho badan, marka loo eego qaab ciyaareedkii horay loogu yaqiinay ciyaaryahanada Qaranka Soomaaliya.

Macallinka Xulka Qaranka Soomaaliya Yuusuf Cali Nuur ayaa kulankii Xalay xulasho fiican ku sameeyay ciyaartoyadiisa uu kala hortagay dhigooda dalka Guinea, waxaana kulankaan uu ahaa mid ciyaaryahanada Soomaaliya ay ka dhisnayeen dhan difaaca.

Xulka Qaranka Soomaaliyeed ayaa dhamaadkii kulanka iska khasaariyay fursad aad muhiim ugu aheyd Soomaaliya oo ay ku heli kareen sadax dhibcood oo nadiif iney ka qaataan dhigooda dalka Guinea.

Kulankii Xalay ee barbar dhaca kusoo idlaaday ee dhexmaray Xulalka Soomaaliya iyo Guinea, waxaa ciyaaryahankii ugu wanaagsana noqday oo abaal marinta garoonka qaatay Goolhayaha Qaranka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamuud Jaamac, kadib markii uu sameeyay 15 badbaadin.

Labada xul ee xalay wada ciyaaray ee Soomaaliya iyo Guinea ayaa qiimeynta FIFA ugu dambeysay ee la soo saaray bishii Febraayo 2025, waxeey kaga jiraan, xulka qaranka Soomaaliya wuxuu ku jiraa kaalinta 202aad, halka xulka Guinea uu qiimaynta kaga jiro kaalinta 78-aad.

Ugu dambeyntii Xulka Qaranka Soomaaliyeed ayaa maalinta talaadada ah la ciyaari doono xulka Botswana kulan ka tirsan isreeb reebka Koobka Aduunka, Soomaaliya  ayaa hal dhibic ka heshay shan kulan oo ay ciyaartay İsreebreebka koobka adduunka 2026.