3/31/2025
Today from Hiiraan Online: Somali actor Yusuf Ceegaag runs for Somaliland parliament af...
Wararka Maanta- Talaado, Mar 18, 2025
Dowladda Federaalka oo digniin u dirtay dadka ku nool degmada Jilib iyo deegaanada kale ee Al-shabaab maamulaan
 

Talaado, Maarso 18, 2025 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday Shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan degmada Jilib ee gobolka Jubadda Dhexe iney isaga fogaadaan goobaha bartilmaameedka ah ee ku yaala degmadaas iyo deegaanada kale oo ay gacanta ku hayso Al-shabaab.

Warsaxafadeed kasoo baxay dowladda ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyay ineysan jirin wax khasaare ah oo dad shacab ah kasoo gaaray duqeymahii cuslaa ee laba habeen ka hor laga fuliyay gydaha magaalada Jilib.

"Weerarka ka dhacay Jilib ayaa qeyb ka ah hawlgalo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ku beegsaneyso haraadiga kooxaha argagixisada ee ku dhuumaaleysanaya meelo kooban oo dalka ka mid ah. Sida la xaqiijiyay ma jirin dad rayid ah oo wax ku noqday weerarkii Jilib. Shacabka ku nool Degmada Jilib iyo goobaha kale ee argagixisadu gabbaadka ka dhiganayaan ayaa waxaa mar kale loogu baaqayaa inay ka fogaadaan goobaha cadowga lagu beegsanayo si loo baajiyo khasaare dadka rayidka soo gaara" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay dowladda Fedaraalka.

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in degmada Jilib ay tahay goobta ugu weyn oo ay kooxdu kasoo abaabusho dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed iyo carqaladeynta nabadda, islamarkaana halkaas ciidamada dowladda ay u tahay bartilmaameedka koowaad.

15-kii bishaan ayay aheyd markii ay duqeymo culus ka fuliyeen degmada Jilib diyaaradaha dagaalka ee dowladda Fedaraalka ka taageera howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab, waxaana dowladda Soomaaliya ay shaacisay in duqeymahaasi ay ku dishay 20 horjooge iyo 100 maleeshiyaad ah.