Talaado, Juun 24, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, oo weerar afka ah ku qaaday Xildhibaan Ilhaan Cumar, ayaa sheegay in ay ka timid Soomaaliya oo kamid ah waddamada ugu liita adduunka.
Trump ayaa qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ku sheegay in Ilhaan Cumar ay kaliya ka cabato dalka ay dhalashadiisa haysato, isla markaana ay xildhibaan ka tahay ee Mareykanka.
“Wax kale ma qabato, waddankeena uun bay ka cabataa" ayuu Trump ku yidhi qoraal uu baraha bulshada ku baahiyay.
“Waddanka guuldarraystay ee ay ka timid dowlad ma laha, waxaa halakeeyay faqri iyo dambiyo, waxaana lagu tilmaamaa mid kamid ah waddamada ugu xun adduunka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Trump, isaga oo ka cadhaysan hadallo ay Xildhibaan Ilhaan ku dhaleeceysay maamulkiisa.
Xildhibaan Ilhaan Cumar, oo ka tirsan xildhibaannada xisbiga Dimuquraadiga ah ee mucaaradka ah, ayaa si joogto ah u dhaliisha siyaasadaha maamulka Trump. “Maya Madaxweyne, ma garanaysid waxa aad samaynayso. Halka adiga lagaa moodo siidhiwade dawakhay, Netanyahu wuu kaaga xirfad badan yahay adduunka" ayay ku yidhi qoraal ay ku baahisay baraha bulshada.
Trump ayaa mar kasta oo uu ka xanaaqo mucaaradadda Xildhibaan Ilhaan Cumar, wax ka sheega Soomaaliya oo ay kasoo jeedo xildhibaanaddu. Dhowr sano ka hor ayuu sidoo kale Soomaaliya ugu tilmaamay dal aan rajo lahayn, oo aan dowlad ka jirin.
Trump oo sannado ka hor ka hadlayay kulan olole oo ka dhacay Moon Township, agagaarka magaalada Pittsburgh ee gobolka Pennsylvania, ayaa si toos ah u beegsaday Ilhaan, isagoo yidhi: "Ilhaan waxay noo sheegaysaa sida aan waddankeena u maamuli lahayn. Maxad samaysaan dalka aad ka timid? Maxaa lagu hayaa dalkii aad kasoo jeeday?"
Hadallada Trump ayaa si cad u muujinaya in uu shaki gelinayo Mareykanimada Ilhaan Cumar, inkastoo ay tahay muwaadin si rasmi ah. Xildhibaan Ilhaan oo matasha gobolka Minnesota, ayaa ka mid ah xubnaha Kongareeska ee ugu firfircoon marka ay timaado dhaleeceynta siyaasadaha Trump.
Ilhaan Cumar ayaa bariga si deg deg ah uga jawaabtay hadalka Trump iyada oo barteeda Twitter-ka ku qortay: “Ugu horreyn, kani waa dalkayga, waxaan ka tirsanahay Golaha Wakiillada . Marka labaad, waxaan kasoo cararay dagaal sokeeye aniga oo 8 jir ah. 8-jir waddan ma maamulo, inkasta oo adiga aad u maamulayso sida ilmo yar.” Jawaabta Ilhaan ayaa taageero weyn ka heshay dadka u ololeeya sinnaanta iyo la dagaalanka takoorka.
Madaxweyne Trump waxa kale oo uu horay ugu yeedhay Ilhaan iyo xubno kale oo ka tirsan garabka Dimuquraadiga ah in ay “ku noqdaan meeshii ay ka yimaadeen,” isagoo ku tilmaamay in ay ka yimaadeen dalal uu ku sheegay “kuwa burbursan oo dambiyo badan ka dhacaan.”
Taageerayaashiisa ayaa xitaa marar badan ku dhawaaqay “ku celi dalkii ay ka timid" intii uu socday mid ka mid ah kulamadiisa ololaha, taas oo dhalisay cambaareyn ballaadhan oo caalami ah.
Ilhaan Cumar, oo ah haweeneydii ugu horreysay ee Muslim ah ee xildhibaan ka noqota Mareykanka kuna labisata xijaab, ayaa wajahday hanjabaado, naceyb diimeed (Islamophobia), iyo aflagaadooyin joogto ah tan iyo markii ay si rasmi ah u gashay siyaasadda dalka Mareykanka.
Haddallada Trump ayaa loo arkaa kuwo sii hurinaya nacaybka, kala-qaybsanaanta bulshada, iyo weerarka lagu hayo dadka asal ahaan kasoo jeeda meel ka baxsan Mareykanka.