7/9/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 24, 2025
Puntland oo beenisay in mashaariicda uga xanniban Muqdisho uu diiday inuu saxiixo madaxweyne Deni
 

Talaado, Juun 24, 2025 (HOL) - Maamulka Puntland ayaa si adag u beeniyay eedeayn kasoo baxday Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo ku saabsanayd in madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu hor taagan yahay mashaariic horumarineed oo laga fulin lahaa deegaanada Puntland.

Wasiirka Maaliyadda Puntland, Maxamed Faarax Maxamuud, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay siyaasadaysay mashaariicdii horumarineed ee dalka loogu talagalay, isla markaana ay isku dayeyso inay si ka baxsan nidaamka federaalka u maamusho mashaariicda, ayna doonayso in mashaariicda laga hago Muqdisho.

"Waxaa la isku raacay in mashruuc kasta oo laga fulinayo Puntland uu maro hannaan hufan oo shan qodob ka kooban oo kala ah; in qandaraasyada lagu qabto gudaha Puntland, in si cad loo muujiyo qoondada dhaqaale ee  Puntland loogu talagalay, in Puntland ay xaq u leedahay kormeerka mashaariicda, in ay leedahay awoodda la xisaabtanka, iyo in hantidhowre madaxbannaan uu hubiyo fulinta mashruuca," ayuu yiri wasiirka Maaliyaddu.

Wasiir Maxamed Faarax wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal uu saxaafadda ka sheegay Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda Dowladda Federaalka, Cabdiqafaar Xaange, kaasoo ahaa inuu Madaxweyne Deni uu caqabad ku yahay mashaariic horumarineed ee Puntland.

“Puntland marna diyaar uma aha in ay saxiixdo mashaariic si qarsoodi ah loo wado oo dhaawacaya sharafta iyo jiritaanka Puntland. Laakiin had iyo jeer waxaan diyaar u nahay inaan ka qayb qaadano mashaariicda ay beesha caalamku bixiso haddii loo maro hannaan hufan oo daahfuran," ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Puntland.

Dhawaan, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay Puntland ka xanniban yihiin ku dhawaad 20 mashruuc oo ay sheegtay inuu diidan yahay inuu saxiixo madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.