Talaado, Juun 24, 2025 (HOL) - Xabad joojintii uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ee dhex martay Iran iyo Israa’iil, ayaa jabtay kadib markii ay Iran laba madfac ku soo tuurtay gudaha Israa’iil lix daqiiqo kaddib xabbad-joojinta iyada oo markii ay arrintaas dhacday, Israa’iil ayaa kaga jawaabtay weerar aad u culus oo cirka ah.
Madaxweyne Trump ayaa si kulul uga hadlay jebinta heshiiskii xabbad-joojinta dhex martay sraa’iil iyo Iran, isagoo si gaar ah u cambaareeyay Israa’iil kuna tilmaamay inay masuul ka tahay hurinta colaadda mar kale qaraxday. “Labada dhinacba way jebiyeen heshiiskii, balse runtii, aad baan uga xumahay waxa ay Israa’iil sameyneyso. Waxay Iran ku dhufteen intaas oo tan oo bam ah," ayuu yidhi Trump isaga oo cadhaysan.
Trump, oo isku dayay inuu dhexdhexaadiyo labada dal isagoo kaashanaya dowladda Qatar ayaa carabka ku adkeeyay in xasilloonida gobolka ay u baahan tahay masuuliyad, dulqaad, iyo is-xakamayn. Bayaankiisa ayaa imaanaya xilli ay Israa’iil qaaday weerarro culus oo ay ku beegsatay magaalada Tehran, iyadoo sheegtay in Iran ay jebisay heshiiskii xabbad-joojinta.
Falanqayn: Wixii dhacay 24-kii saacadood ee u dambeeyaySaacadihii u dambeeyay waxaa gobolka Bariga Dhexe gilgilay weerarro aan kala joogsi lahayn. Iran ayaa weerartay saldhig yada Maraykanka ee Qatar iyo Ciraaq, iyada oo ka aargudanaysa weerarkii ui Maraykanku ku qaaday xarumaheeda nukliyeerka, waddamada Carabta ayaa cambaareeyay weerarka Iran.
Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa beegsaday xarumo militari iyo saldhigyo sirdoon oo ku yaalla duleedka Tehran, halka warbaahinta Iran ay sheegtay in tobanaan qof oo rayid ah ay ku dhinteen weerarradaasi. Dowladda Iran ayaa ku dhawaaqday in ay qaadayso tallaabooyin aargoosi ah.
Dhanka kale, warbaahinta Mareykanka iyo dalalka reer Galbeedka ayaa si weyn u hadal haya sida ay u burbureen dadaalladii diblomaasiyadeed ee Trump iyo Qatar. Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Mareykanka uu dib u eegayo xidhiidhka milateri ee uu la leeyahay Israa’iil, taasoo muujinaysa khilaaf hoose oo sii xoogaysanaya.
Dhanka kale sidii caadada ahayd waxa suuragal ah in In Trump iyo Natanyahu ay ugu talogaleen in Iran la shirqoolo, oo xabad joojintu ay ahayd dabin la doonayo in lagu dago Tehran.
Waxaa sidoo kale isa soo taraya cabsi laga qabo in colaadda ay u gudubto dalal kale oo gobolka ah sida Lubnaan, Suuriya, iyo Ciraaq, iyadoo kooxda Xisbullah ay ku goodisay inay “jawaab adag ka bixin doonaan duqeymaha Israa’iil ee ka dhanka ah shacabka Muslimiinta.”
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wargeliyay in kulan degdeg ah la isugu yimaado si looga hadlo xaaladdan cusub ee halista ah.