Talaado, Juun 24, 2025 (HOL) - Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa si gaar ah u kala cambaareeyay weerarkii Xalay Iran ku qaaday Saldhiga Mareykanka uu ku leeyahay dalka Qatar.
Labada madaxweyne ayaa soo saaray qoraalo ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin weerarka Iran ku qaaday dalka Qatar, iyagoona ku tilmaamay weerarkaas talaabo aan la aqbali karin oo wax u dhimaysa xasiloonida gobolka.
Madaxweynahii hore ee dalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in weerarka Iran ee Qatar uu yahay mid xadgudub ku ah Sharciga Caalamiga ah.
“Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarka gardarada ee Iran kay qaaday maanta dalka Qatar. In gantaalada lagu weerarro dalka nabdoon ee Qatar waaku xadgudub sharciga caalamiga ah. Waxa kale oo ay khatar gelinaysaa inay kasii darto xiisadaha ka taagan gobolka iyo caalamka. Iran waa inay ka gaabsato falalkan sharci darrada ah" ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa dhankiisa war qoraal ah uu soo dhigay bartiisa X ku sheegay inuu si weyn u camabaareynayo weerarka gantaalada ahaa ee iran ku qaaday dalka Qatar.
"Waxaan si adag u cambaareynayaa duullaanka gardarrada ah ee Iran ay ku hayso dhulka dawladda aan walaalaha nahay ee Qadar, taasoo xadgudub cad ku ah Axdiga Qaramada Midoobay iyo mabaadi'da qaanuunka caalamiga ah. Waxaan rabaa inaan caddeeyo in shacabka Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin dowladda Qatar iyo shacabkeedaba, si ay u difaacdaan qaranimadeeda iyo wadajirkeeda dhuleed, iyagoo rajeynaya in amniga iyo xasiloonida gobolka ay kusoo noqdaan" ayuu yiri madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed.
Cambaareynta madaxdii hore ee dalka ayaa kusoo aadeysa, iyadoo sidoo kale dowladda Soomaaliya ay si adag u cambaareysay weerarkii Xalay dowladda Iran ku beegsatay Saldhiga Mareykanku ku leeyahay dalka Qatar.