Talaado, Juun 24, 2025 (HOL) - Puntland ayaa sheegtay in aysan jirin xarumo gaar ah oo lagu dhaqan celiyo maxaabiista da’da yar ee kasoo goosta ama laga soo qabto kooxaha Shabaab iyo Daacish.
Wasiirka Caddaaladda Puntland, Maxamed Cabdiwahaab Axmed, oo hortegay Baarlamaanka Puntland, ayaa sheegay in dhalinyaradaasi lagu hayo xabsiyada caadiga ah ee Puntland, sababo la xiriira khatarta ay ku yihiin amniga.
Wasiirka ayaa xusay in dhalinyarada ka tirsan Shabaab iyo Daacish ay yihiin kuwo si heer sare ah u tababaran, kana mid yihiin dagaalyahannada ugu khatarsan. Wuxuu sheegay in dadkaasi aan lagu ilaalin karin xarumo gaar ah ama guryo caadi ah, maaddaama sida uu sheegay ay khatar weyn ku yihiin nabadgelyada guud.
“Dadka la leeyahay hala dhaqan celiyo waa dad ‘militant’ ah, oo tababar ciidan qaba, xirfadlayaal ah. Hal qof oo iyaga kamid ah ayaa awood u leh inuu la dagaalamo shan askari. Qaar kamid ah waa gacan ku dhiigleyaal dilay 20 qof, halka kuwo kalena ay awood u leeyihiin inay qaraxyo farsameeyaan. Ma ahan dad guri caadi ah lagu hayn karo,” ayuu yiri Wasiirka Caddaaladda.
Hadalka wasiirka ayaa yimid kaddib markii qaar ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Puntland ay kormeer ku tageen qaar kamid ah xabsiyada, halkaas oo ay kusoo arkeen dhalinyaro horey uga tirsanaa kooxaha Shabaab iyo Daacish. Xildhibaanada ayaa sheegay in maxaabiistaasi u baahan yihiin xarumo gaar ah oo lagu dhaqan celiyo.
Sannadkii 2018, Ugu yaraan 10 katirsan maxaabiis Al-Shabaab ah ayaa ka baxsaday xarun dhaqancelin oo kutaala magaalada Garoowe. Maxaabiistaas ayaa kamid ahaa kuwii lagu qabtay dagaaladii Suuj iyo Garmaal ee 2016, kuwaas oo u badnaa dhalinyaro aad u da'yar.