1/24/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 24, 2025
Dowladda Masar oo ogolaatay in baasaboorka diblomaasiga ah ee Soomaaliya laga dhaafo dal ku galka
 

Jimco, January 24, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Axmed Macallin Fiqi ayaa magaalada Qaahira ee dalka Masar kula saxiixday labo heshiis oo muhiim ah dhigiisa dalkaas Dr. Badr Abdelatty.

Heshiisyada ay kala saxiixdeen labadaan Wasiir ayaa la xariira tababbarka diblomaasiyadda iyo ka dhaafidda shuruudaha dal ku gal ee dadka sita baasaboorka diblomaasiga ah ee Soomaaliya.

"Labada dal ayaa ku heshiiyay in laga dhaafo dal-ku-galka muwaadiniinta labada dal ee sita baasaboorka diblomaasiga oo loo oggolaanayo in gudaha ay u galaan dalka, kana gudbaan ama ku negaadaan muddo aan ka badnayn 90 cisho oo ka bilaabanaysa taariikhda soo gelidda dalka" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Heshiiskaan ay wada saxiixdeen dowladdaha Soomaaliya iyo Masar ayaa muujinaya sare u kaca xiriirka laba geesoodka ah ee waqti dheer ka dhaxeeya labadaan dowladood.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdulfatax Al-sisi ayaa goob joog ka ahaa saxiixa heshiiska dhexmaray labada Wasiir Arrimo Dibadeed ee Soomaaliya iyo Masar.

Ugu dambeyntii xiriirka ka dhaxeeya labadaan dal ayaa mudooyinkii dambe si aad ah u sii xoogeysanaayay, waxaana xusid mudan in dowladda Masar ay qeyb ka tahay howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya.