Jimco, January 24, 2025 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa saacadahii lasoo dhaafay howgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka fuliyay tuulooyin dhowr ah oo hoostaga deegaanka Ruunirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgaladaan ay fuliyeen ciidamada iskaashanaya ayaa ahaa kuwa looga hortagaayay dhaqdhaqaaqyo xubno ka tirsan kooxdu ay ka wadeen maalmahii ugu dambeeyay deegaano hoostaga Ruunirgood.
Sarkaal ka tirsam ciidanka xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgalada ay ku burburiyeen ciidamada fariisimo iyo gambaadyo kooxdu ku laheyd dhulka howdka ah ee ku yaala agagaarka Ruunirgood.
Wuxuu sidoo kale xusay sarkaalka in xubnahii Al-shabaab ee ku dhuumaleysanayay dhulka howdka ah markey ka war heleen in ciidanku ku soo socda iney kala carareen, islamarkaana ay kusii raad joogaan baacsigooda.
Gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan deegaanada dhaca xaduuda gobolkaas uu la wadaago gobolka Galgaduud ayaa ka mid ah meelaha wali kooxda Al-shabaab ay ku xoogan tahay, waxaana howlgalkaan uu imaanaya, iyadoo dowladdu ay wado abaabulkii ugu dambeeyay ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.