1/24/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 24, 2025
Madaxweynaha Masar oo sheegay in dalkiisu si firfircoon uga qayb qaadanayo hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya
 

Jimco, January 24, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah El-Sisi, ayaa ku dhawaaqay in Masar ay mar kale xaqiijisay go'aankeeda ku aaddan taageeridda ammaanka iyo xasilloonida Soomaaliya.

Madaxweyne Siisii ayaa sheegay in Masar ay si firfircoon uga qayb qaadanaysa hawlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Hadalkan ayuu madaxweynaha Masar jeediyay intii uu socday wada-hadallo diiradda lagu saaray doorka Masar ee nabadda gobolka iyo dadaallada ka dhanka ah argagixisada oo uu Qaahira kula yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

Madaxweyne Sisi ayaa hoosta ka xarriiqay in Masar ay diyaar u tahay inay siiso Soomaaliya khibrad farsamo iyo taageero dhisidda awoodaha si loo xalliyo caqabadaha amniga ee Soomaaliya ka jira.

Arrintan ayaa qayb ka ah iskaashiga laba-geesoodka ah iyo doorka muhiimka ah ee Masar ay ka ciyaarto nabad-ilaalinta Midowga Afrika.

Sanadkii hore, Masar, ayaa shaacisay inay diyaar u tahay inay ciidamo u dirto howlgalka xasillinta iyo taageerada Midowga Afrika kadib codsi uga yimid dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr. Badr Abdelatty, ayaa xusay in dalkiisu uu muhiimad weyn siinayo kaalmada la xiriirta nabadgalyada iyo xasilloonida gobolka, taas oo qayb ka ah dadaalka Masar ee lagu taageerayo nabadda iyo horumarka Geeska Afrika.