Arbaco, January 22, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa mushaarka ciidamada kala duwan kordhiyay 50%.
Madaxweynaha Somaliland, oo fulinaya balanqaad uu horey ugu sameeyay ciidanka xilligii doorashada oo ahaa inuu mushaarka ciidamada kordhin doono 250%, ayaa maanta ku bilaabay in sannadkan la kordhiyo 50%, sida lagu sheegay wareegto ka soo baxday madaxtooyada.
"Waxaan soo saaray in sannad kasta oo miisaaniyadeed ciidammada kala duwan ee qaranka loo kordhiyo mushaharka joogtada ah xaddi dhan 50%, muddada xileedka koowaad ee xukuumadda, iyada oo laga duulayo mushaharka joogtada ahaa ee sannad miisaaniyadeedkii 2024," ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.
Waxa kale oo uu amray in lagu sameeyo diiwaangelinta bu’da (IRIS Biometric Registration) dhammaan ciidammada kala duwan ee Somaliland, muddo soddon maalmood gudahood, oo ka bilaabmaysa 01-02-2025.
Wareegtada ayaa sidoo kale sheegtay in mushahar kordhinta ciidammadu ay bilaabmi doonto marka la soo dhammeeyo diiwaangelinta iyo tirakoobka ciidammada kala duwan ee Somaliland.
Madaxweyne Cirro ayaa dhawaan sheegay, in marka laga yimaado mushahar kordhinta, uu sidoo kale kor u qaadi doono tayada ciidamada, isagoo u ballanqaaday tababaro iyo qalab casri ah.