Sabti, January 18, 2025 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka, iyo Dib-u-heshiisiinta, Xil. Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh) ayaa maanta guddoomay kaarkiisa aqoonsiga ee lafta ah, isagoo si rasmi ah u daahfuray daabacaadda kaarka aqoonsiga, waxaana uu shaaca ka qaaday inuu bogaadinaayp guusha muhiimka ah ee ay Hay'adda NIRA xaqiijisay.
"Waxaan si mug weyn shacabka Soomaaliyeed ugaga mahadcelinaynaa dulqaadkooda iyo taageeradooda muddadii aanu ku hawlanayn hirgelinta hindisahan taariikhiga ah, annaga oo ka raali-gelinayna dib-u-dhac kasta oo ku yimi daabacaadda kaarka" ayuu yiri Maareeyaha Guud ee NIRA, Cabdiwali Cali Cabdulle (Timacadde).
Sidoo kale waxa intaa hadalkiisa raaciyay "Wakhtiga dheer ee ay nagu qaadatay daabacaadda kaarka waxa sabab u ah inaan mudnaanta siinnay sidii aan u soo gadi lahayn mashiinnada iyo kaararka ugu tayada badan, uguna casrisan, taas oo llaahay nagu guuleeyay."
NIRA ayaa ku wargelisay dadkii iska diiwaangeliyay xarumaha kala duwan ee Hay'adda in loo soo diri doono farriin SMS ah marka la diyaariyo kaararkooda, goorta iyo goobta ay ka qaadan karaan kaarkooda, taas oo xaqiijinaysa inaan la carqaladayn habsami-u-socodka diiwaangelinta, iyo in hannaanka qaybinta kaarka lafta ahi uu noqdo mid nidaamsan sidaas waxaa lagu yiri bayaan ay soo saartay.
Ugu dambayntii, Hay'addu waxa ay shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday inay iska diiwaangeliyaan xarumaha kala duwan ee NIRA, iyada oo u ballan-qaaday in hadda laga bilaabo ay kaarkooda ku heli doonaan muddo kooban, maaddaama lagu guulaystay daabacaadda kaarka lafta ah, lana fududeeyay habka is-diiwaangelinta.