Talaado, January 14, 2025 (HOL) - Cilmi-baadhayaal ka tirsan Ururka Aarkiyoolojiga Somaliland ayaa sheegay in ay soo ogaadeen halka ay ka dhisnayd Boqortooyadii "Dhulka Udugga," oo la aaminsan yahay in ay dhulka Soomaalida ka arramin jirtay kumannaan sano kahor.
Isxaaq Yuusuf, oo ah madaxa ururka baadhista sameeyay, oo MMTV waraysi gaar ah siiyay, ayaa sheegay in uu helay maab qadiimi ah oo laga soo helay goob Somaliland ku taalla. Maabkaas oo u sahlay in ay ogaadaan magaalo qarsoon oo dhulka hoosteeda ku taalla. Magaaladaas oo uu sheegay in si rasmi ah daaha looga qaadi doono.
"Waxay igu qaadatay 8 bilood si aan maabka u fahmo. Markii aan fahmay, waxa isoo baxay in ay tahay magaalo qarsoon oo ay ku yaallaan ahraam. Kadibna waxa ii caddaatay in tuuladii uu maabku tilmaamay ay tahay goob qadiimi ah. 5 sano ayay igu qaadatay in aan baadhista dhameeyo, intii u dhaxaysay 2014 ilaa 2019," ayuu yidhi Isxaaq.
Waxa uu sheegay in cilmi-baadhistan uu la kaashaday khubaro caalami ah kuwaasoo cadeeyay in magaalada goobta uu maabku tilmaamayo ku jirta ay ahaan jirtay magaalo madaxda boqortooyadii "Dhulkii Udugga," taasi oo mar ka arrimin jirtay Geeska Afrika.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in boqorad maamuli jirtay boqortooyadan ay amartay in la dhiso magaaladan dhulka hoosteeda ku taalla kadib duullaano kaga yimid boqortooyooyin kale oo gobolka ka arrimin jiray.
"Waxaanu maanta xaqiijinay in Somaliland, goob ka mid ah, ay ahaan jirtay caasimadii 'Dhulkii Udugga' ee Boqoradii Xajsabuut. Waxa ay dhiseen magaalo dhulka hoosteeda ah, halkaasoo lagu keydiyay hantidii boqortooyada oo dhan," ayuu hadalkiisa raaciyay.
Waxa uu sheegay in cilmi-baadhistan ay ka dib xogteeda la wadaageen xukuumadda Somaliland, isla markaana ay sugayaan in la sameeyo sharciga ilaalinta aasaarta qadiimiga ah si loo soo bandhigo isla markaana loo ilaaliyo.
Waxa kale oo uu xusay in ay baadhitaan dheeraad ah ay ku sameeyeen bugcada taariikhiga ah ee Laasgeel, Aw-barkhadle iyo buuraha Naaso Hablood ee Hargaysa, kuwaasoo uu sheegay in ay ka heleen raadad hore oo tusinaya in ambiyada qaarkood halkaas soo mareen.
Taariikh ahaan, Boqortooyada Dhulka Uduggu waxay muddo aad u dheer xidhiidh ganacsi la lahayd Faraaciintii Masar. Masaariduna waxa ay ugu yeedhi jireen "Dhulkii Ilaahyada," iyagoo mararka qaarkood ugu soo safri jiray cibaadaysi.