Hiiraan Online
1/17/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Sabti, Jan 11, 2025
Madaxweynaha Soomaaliya oo sanad kadib booqasho ku tagay Dalka Itoobiya
Sabti, January 11, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kadib casuumaad uu ka helay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.
Booqashadu waxay ujeedadeedu tahay in kor loo qaado xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.
Labada mas'uul inta uu kulankoodi soconayo waxay isla soo hadal qaadi doonaan qodobadii kuxusnaa heshiiskii Ankara ee xusaayay in Itoobiya ay hesho marin biyood ganacsi ah oo ay muraaqabeeneyso Dowladda Soomaaliya.
Heshiiska Ankara waxa uu dib albaabada ugu furay inay Itoobiya iyo Soomaaliya ay ka hadli karaan danaha labada dal iyo mida geeska Afrika iyadoo la ogsoonyahay in Itoobiya ay qeyb ka tahay howlgalka Midowga Afrika ee nabadeeynta Soomaaliya.
Booqashadaan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku tago dalka Itoobiya, tan iyo markii uu dib u soo celiyay xiriirkii diblomaasiyadeed ee xumaaday horaantii sanadkan 2024-ka, ka dib markii ay xiisad ka dhalatay heshiis muran dhaliyay oo dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland.