Sabti, January 11, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa gobollada kala duwan u magacaabay 12 badhasaab iyo 11 ku-xigeen.
Wareegto uu ku saxeexan yahay Madaxweyne Cirro oo kasoo baxday Madaxtooyada, ayaa lagu magacaabay dhammaan badhasaabada iyo ku-xigeennada gobollada. Madaxweynaha ayaa u magacaabay Prof. Axmed Maxamed Cadaad Badhasaabka Gobolka Maroodijeex, halka Wali Cabdi Jaamac Kheyrre uu u magacaabay Badhasaab Ku-xigeenka gobolkaas.
Sidoo kale, Muxummad Xasan Jaamac (Xoday) ayuu u magacaabay Badhasaabka Gobolka Awdal, halka Daahir Axmed Jaamac Buraale loo magacaabay Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Awdal. Intaa ka dib, Badhasaabka Gobolka Saaxil waxaa loo magacaabay Maxamed Daahir Cabdalla Gaafane, halka Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) loo magacaabay Badhasaabka Gobolka Togdheer. Sidoo kale, Siciid Axmed Maxamed Raage ayaa loo magacaabay Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Togdheer.
Dhanka Gobolka Sool, Axmed Faarax Cismaan Cabdi ayaa loo magacaabay Badhasaabka, halka Naaleeye Axmed Jaamac Liibaan loo magacaabay Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Sool. Dhinaca kale, Saalax Yuusuf Diiriye Guuleed ayaa loo magacaabay Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Sanaag. Badhasaabka Gobolka Gebilay waxaa loo magacaabay Maxamed Cabdillaahi Jaamac (Bookh), halka Cabdirisaaq Axmed Muxummad (Huuno) loo magacaabay Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Gebilay.
Waxaa kale oo Badhasaabka Gobolka Saraar loo magacaabay Prof. Axmed Cabdillaahi Maxamed (Dhegayare), halka Maxamuud Warsame Geeddi (Hilbayare) loo magacaabay Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Saraar. Gobolka Salal ayaa isagana Badhasaab looga dhigay Cabdi Siciid Faahiye Allaale, halka Cismaan Cumar Nuur Aare loo magacaabay Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Salal.
Dhanka Gobolka Badhan, Cabdisalaan Maxamed Xasan Maxamed ayaa loo magacaabay Badhasaabka, halka Cali Maxamed Axmed Cadami loo magacaabay Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Badhan. Badhasaabka Gobolka Hawd waxaa loo magacaabay Maxamuud Xasan Saleebaan (Doob), halka Ayaanle Maxamuud Raage Qaalib loo magacaabay Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Hawd.
Ugu dambayn, Fu’aad Cabdi Diiriye Maxamed ayaa loo magacaabay Badhasaabka Gobolka Xaysimo, halka Maxamed Dayib Yuusuf Aadan loo magacaabay Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Daadmadheedh. Dhinaca kale, Mustafe Ibraahim Axmed Faarax ayaa loo magacaabay Badhasaabka Gobolka Buuhoodle.